Ma Ogtahay In Salman Khan Ku Amray Katrina Kaif Inay Sameyso Filimkii Hit-ka Noqday New York

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Director Kabir Khan dhawaan wuxuu sheegay inuu Mega Star Salman Khan xiriir wacan kala dhaxeeyo sidoo kalena marka ay wada shaqeenayaan in badan wada doodaan si ay fikrado isku dhaafsadaan.

Inkastoo filimkii ugu horeeyay oo ay wada sameeyeen ahaa Ek Tha Tiger (2012) hadana Salman Khan ayaa saxaafada u sheegay in Kabir Khan uu bartay xili hore gaar ahaan markii uu ku casuumay daawashada filimkiisii kowaad Kabul Express (2006).

Salman Khan wuxuu yiri “Kabir waxaan bartay 10-sano ka hor xili uu markaas igu casuumay daawashadii filimkiisii Kabul Express waana ka helay qaabka uu filimada u sameeyo”

WARAR DHEERAAD AH:

Salman Khan ayaa sheegay inuu Katrina Kaif ku amray sameynta filimka labaad ee Kabir Khan sameeyay New York kaasi oo sanadii 2009 Hit noqday.

Salman wuxuu yiri “Katrina waxaan ku amray inay sameyso filimka New York waxaana u raacsiiyay inay Kabir Khan ku kalsoonaato sidoo kalena uu yahay filim sameeye fariimaha si wacan u dhigi karo”

Dabcan Katrina Kaif doorkeedii New York waxay ku heshay amaan weyn ayadoo la sameesay John Abraham iyo Niel Nitin Mukesh filimkaan shirkada Yash Raj Films soo saare ka ahayd.

Salman Khan iyo Katrina Kaif xiligaas xiriir jaceyl ayaa ka dhaxeeyay wuxuuna Sallu siiyay Kat talo wanaagsan madaama uu ku amray sameynta New York oo ka mid ah filimada ugu sheeko wanaagsan ee Bollywood-ka sameeyeen xiligaan casriga ah.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video