Raabta Wuxuu Ku Biiray Liiska Filimada Bur Bureen Ee Ganacsi Ahaan Siweyn Loogu Qasaaray!

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Shabakada Boxoffice India ayaa xaqiijisay in Raabta uu ka mid noqday mid ka mid ah filimada sida weyn u bur bureen qasaaro baaxad lehna Bollywood-ka kala kulmeen.

Raabta oo ay wada jilayaan Sushant Singh Ranjput iyo Kriti Sanon maqaalka ay Boxoffice India kasoo daabacday sidoo kalena shabakada Boxoffice Filimside Afkaaga hooyo kuugu turjuntay fadlan hoos kaga bogo:

Raabta waa filim siweyn u bur buray madaama sabtigiisa kowaad hoos u dhac weyn uu sameeyay asigoo Jimcadiisa kowaad markii hore ganacsi liito ku afl bilaawday.

Waa hubaal Raabta wuxuu ku biiri doonaa liiska filimada bur burka weyn Boxoffice-ka kala kulmeen waana hubaal maanta oo Axad ah in Raabta hoos u dhac kale muujin doono madaama ay jirto cayaar Cricket-ka ah u dhaxeyso Hindiya iyo Koonfur Afrika jirto.

Raabta wuxuu soo xareeyay 4.25 Crore ilaa 4.50 Crore sabtigiisa kowaad midaasna waxay ka dhigan tahay in labadiisa maalmood ee ugu horeesay uu keenay 9 Crore (Trade Figure).

Raabta kaliya waxaa laga daawanayaa tiyaatarada magaalooyinka waa weyn ku yaaln Multiplex laakiin xitaa magaalooyinka waa weyn lagama soo dhaweynin madaama labadiisa maalmood ee ugu horeesay uu sameeyay ganacsi laga rabay inuu maalintiisa kowaad sameeyo!

Jabka ugu weyn wuxuu dhabarka kaga dhacay Sushant Singh Rajput oo hogaamiye ka ah filimkaan Director Dinesh Vijan oo u ahayd markii ugu horeesay uu filim sameeyo.

Waxaa xusid mudan Sushant Singh Rajput filimkiisii ugu dambeeyay M.S. Dhoni – The Untold Story maalinta kowaad keenay 20 Crore sidaa darteed waxaa la filaayay ugu yaraan 10% in Raabta keeni karo laakiin maalinta kowaad laakiin midaas ma dhicin waxaana cadaatay in filimkii MS Dhoni ku gadmay kabtanka Hindiya cayaarta Cricket-ka MS Dhoni oo noloshiisa filimkaan looga hadlaayay.

WARAR DHEERAAD AH:

Fadlan hoos kaga bogo filimka Raabta labadiisa maalmood ee ugu horeesay lacagaha uu keenay:

Jimco – 4.61 Crore

Sabti – 4.35 Crore qiyaasta xili hore

Wadarta Guud – 8.96 Crore (Trade Figure)

Dhinaca kale filimka Behen Hogi Teri oo ay hogaamiyaal ka yihiin Rajkumar Rao iyo Shruti Haasan ayaa 50% sare u kac sameeyay maalintiisa labaad balse midaas waxba masoo kordhineyso madaama ganacsigiisa uu aad u liito waana mashruuc guul dareestay oo lagu qasaaray.

Fadlan hoos kaga bogo filimka Behen Hogi Teri labadiisa maalmood ee ugu horeesay lacagaha uu keenay:

Jimco – 25 Lakh

Sabti – 40 Lakh

Wadarta Guud – 65 Lakh (Trade Figure)

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video