Rasmi: Goos Gooska Filimka Toilet: Ek Prem Katha Oo Lasoo Bandhigay (+Video)

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Waxaa si rasmi ah loo soo bandhigay goos gooska filimka sida weyn loo hadal haayay Toilet: Ek Prem Katha ee hogaamiyaha ka yahay Super Star Akshay Kumar lana jileyso atirishada Bhumi Pednekar.

Sida caadiga ah filimkaan waa sheeko jaceyl oo lagu dhex lifaaqay wacyi galinta arimaha bulshada loo dhigay hab shactiro ah.

Akshay Kumar ayaa soo guursanaayo gabadha yar Bhumi Pednekar sidoo kalena wuxuu keenaa tuulada uu dagan yahay balse xaaskiisa waxay isku maan dhaafayaan in deegaankooda uusan wax musqul ama suuli laheyn.

Sidaa darteed Bhumi Pednekar ayaa seygeeda Akshay Kumar uga tageyso musqul la’aanta tuuladiisa ka jirto isagana wuxuu go’aan ku gaaraa inuu u istaago sida uu dhaqanka dadkiisa u badali lahaa, jaceylkiisa usoo ceshan lahaa sidoo kalena tuuladiisa iska dhaaf Hindiya oo dhan uga dhigi lahaa meel nadiif ah oo qof walbo heli karo musqul uu xaajadiisa ku guto.

WARAR DHEERAAD AH:

Qaabka goos gooska filimka Toilet: Ek Prem Katha loo soo bandhigay ayaa ah hab shactiro ku dheehan balse lagu dhex lifaaqay baraarujinta iyo wacyi galinta u baahan yihiin bulshada u baratay inaysan wax musqul ama suuli adeegsanin.

Filimka Toilet: Ek Prem Katha waxaa la daawan doonaa 11 August 2017 sidoo kale Anupam Kher iyo Sana Khan ayaa doorar muhiim ah ku leh.

Filimka Toilet: Ek Prem Katha waxaa Director ka ah Shree Narayan Singh halka Akshay Kumar iyo Neeraj Pandey ay soo saarayaal ka yihiin.

Fadlan hoos ka daawo goos gooska filimka Toilet Ek Prem Katha adigaaba ka heli doontid:

Fikradaha Akhristayaasha (8)

  1. Ayuub says:

    Zakariye sxb nala wadaga waxa laga yiri GOOS GOOSKA
    IYA waxa waxyalaha laga fahamay

  2. Ayuub says:

    thankz Zakariye Abdi iyo guud ahaan filimside o dhan

  3. a says:

    asc.w.w walaal zakariye waxaan kuwedinaa actorada sida eey ukala weeyn yihiin noo soo giliya 10ka ugu weeyn ama towonka ugu caansan sida eey ukala caan sanyihiin mahadsanid

  4. suldaanka baaqash says:

    Akshay kumar wuu kcsn yhy cadi MAahiin goos gooska

  5. omaaar says:

    gooos goooskan waaa dhamystiranyahay mcni waa shidanyahy xagayga wuu ka gadan yahay

  6. xuseen sidiiq says:

    kani film maaha halkaasay ka muqataa waliba wuxu noqon donaa big flopka sanadkan 2017 ugu. wayn

    • nuur cabdi kariim says:

      Wey bilaabmatay flopkii akshay kan haduu avergexataa noqdo hindia filimba mataqqno sida looqiimeeyo kiiabukaataha maraxahaa ayee dhaheen nacasyaal




Featured Video