Warbixino Ku Saabsan Filimada Dhawaan La Daawan Doono Iyo Kuwa Shaqada Ku Socoto

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Inta badan sanad walbo 6-bilood ee ugu dambeyso waxaa la daawadaa filimada waa weyn lacagaha xoogan lagu qarash gareeyay sidoo kalena jilaayaasha Bollywood-ka awood ku leh hogaamiyaal ka yihiin.

Hadaba waxaan idiin heynaa warbixino ku saabsan filimada dhawaan la daawan doono iyo kuwa haatan shaqada ku socoto:

Kadib markii SRK filimkiisa Jab Harry Met Sejal hal todobaad lasoo hormariyay lana daawan doono 4 August waxay ka dhigan tahay in filimkaan heli doono hal todobaad firaaqo ah oo aan cidna ku heesanin tiyaatarada.

Sidoo kalena Akshay Kumar filimkiisa Toilet – Ek Prem Katha isagana filimkiisa 11 August ayaa loo dhaafay wuxuuna heestaa hal todobaad oo firaaqo ah sidaa darteed labadaan filim isku dhacadii meesha laga saaray hadana midkii sheeko wanaagsanaado ayaa ganacsi heer sare ah sameyn doono.

WARAR DHEERAAD AH:

7-da bisha July waxay isku badashay maaliin mashquul badan madaama filimka Paresh Rawal iyo Karthik Aryan hogaamiyaal ka yihiin Guest Iin London la xaqiijiyay in xiligaas la daawan doono sidoo kalena horey waxaa isla 7 bisha July calaameesteen filimada kala ah  Mom iyo Spider-Man Homecoming.

Riteish Deshmukh iyo Vivek Oberoi filimkooda shactirada ah Bank Chor wuxuu helay hal todobaad oo firaaqo ah oo aan lagu heesanin tiyaatarada madaama kaligiis la daawan doono 16-ka bishan June sidaa darteed hadii daawadayaasha ka helaan hal todobaad ganacsigiisa ayaa ku filan filimkaan inuu guul wacan gaaro madaama miisaaniyad xadidan lagu sameeyay.

Filimka Mubarakan ayaa siweyn loo sugayaa goos gooskiisa oo daaha laga qaadi doono 14-ka bishan June waxaana Director ka ah Anees Basmee oo horey u sameeyay filimada shactirada ah ee guulaha wacan gaareen sida No Entry, Welcome iyo Welcome Back.

Filimka Mubarakan waxaa hogaamiyaal ka ah Arjun Kapoor, Anil Kapoor, Ileana D’Cruz iyo Athiya Shetty waxaana la daawan doonaa 28 July 2017.

Tiger Shroff filimkiisa Munna Michael ayaa lasoo dhaweeyay gooskiisa waxaana haatan la isku raacay in filimkaan maalintiisa kowaad 10 Crore ka badan keeni karo madaama Action, Dance iyo jacey inuu yahay lagu soo bandhigay goos gooska waxaana la daawan doonaa 21 July 2017.

Ranbir Kapoor iyo Katrina Kaif filimkooda Jagga Jasoos waa loo baneeyay taariikhdiisa 14-ka July 2017 waxaana tiyaatarada la saari doonaa kaligiis sidaa darteed filimkaan fursad walbo oo uu ganacsi fiican ku sameyn karo ayuu heestaa.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video