20 Years Of Border: Kooxda Filimka Border Oo U Dabaal Dageen Sanad Guuradii 20-aad Ee Filimkaan (+Sawiro)

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Kooxda filimka Border ayaa u dabaal dageen sanad guuradii 20-aad ee kasoo wareegatay xiligii filimkaan la daawaday waxaana isku imaadeen inta badan jilaayaashii filimkaan.

Director JP Dutta ayaa xaflad heer sare ah u dhigay kooxdii filimka Border sameesay kaasi oo noqday sanadii 1997 filimkii ugu weynaa darajo ahaan iyo ganacsi ahaan asigoo All Time Blockbuster noqday sidoo kalena min tuulo ilaa magaalo ka gadmay.

WARAR DHEERAAD AH:

Pooja Bhatt, Jackie Shroff, Suniel Shetty, Anu Malik, Director JP Dutta iyo kuwo kale ayaa goobta isugu imaadeen waxaana la isla wadaagay xasuuso taariikhi ah oo filimka Border ku saabsan.

Athiya Shetty oo ah curada Suniel Shetty haatana Bollywood-ka ka tirsan ayaa xaflada aabaheed usoo raacday waxayna goobta ka sheegtay in Border uu yahay filim aabaheed sharaf weyn ku helay xasuus gaar ahna reerka u leh.

Director JP Dutta wuxuu maalin ka hor ku dhawaaqay filimkiisa xiga Paltan oo ka hadlaayo hadlaayo dagaalkii Hindiya iyo China dhex maray sanadii 1962.

Waxaana la filaa filimkaan weyn inuu ku dhawaaqo hogaamiyaashiisa sidoo kalena filimkaan duubistiisa waxay bilaaban doontaa dhamaadka sanadkaan halka xagaaga dambe 2018 la daawan doono.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video