Abhishek Bachchan Muxuu Ka Yiri In Xaaskiisa Aishwarya Rai Bachchan Markale Isla Shaqeyn Doonaan

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Lamaanaha caanka ah Abhishek Bachchan iyo Aishwarya Rai Bachchan ayaa dhawaan la sheegay inay markale hal filim oo ay door dhameestiran ku leeyihiin kasoo muuqan doonaan.

Hadaba Abhishek Bachchan ayaa arinkaan ka hadlay wuxuuna sheegay inay shirkado kala duwan wada hadalo kula jiraan sidoo kalena xaaskiisa dhawaan shaashada kasoo wada muuqan doonaan.

WARAR DHEERAAD AH:

Waxaa la isla dhex maraayay filimka Gulab Jamun oo Anurag Kashyap iska leeyahay Abhi iyo Aish wada sameyn doonaan laakiin Abhishek Bachchan ayaa sheekadan biyo qabow ku shubay.

Abhishek Bachchan wuxuu yiri “Filimka aan dooneyno inaan kasoo wada muuqano Anurag Kashyap Director kama ahan laakiin soo saare ayuu ka yahay waxaana Director ka noqon doono qof Bollywood-ka ku cusub, hada wax walbo kama hor dhici doono laakiin dhawaan mashruucaan aqbaar rasmi ah waa laga soo saari doonaa”

Waxaan wada sugnaa ku dhawaaqista filimkaan Abhishek Bachchan iyo Aishwarya Rai Bachchan wada sameyn doonaan waana labo jilaa oo isku soo baxayaan marka ay shaashada kasoo wada muuqdaan.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video