Jabka Wuu Socdaa: Filimka Raabta Suuqyada Caalamka Xitaa Wuu Ka Bur Buray!

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Filimka Raabta oo ay hogaamiyaal ka yihiin Sushanti Singh Rajput iyo Kriti Sanon gudaha Hindiya kaliya kama noqonin filim bur buray ee suuqyada caalamka xitaa qasaaro xoog leh ayay kala kulmeen kooxda iska leh.

Waxaa la yaab ah in Raabta oo 300 goobood kala duwan suuqyada caalamka laga daawaday sedexdiisa maalmood ee ugu horeesay inuu keenay ganacsi ka hooseeyo $500,000 (3.20 crore)!

Gabi ahaanba ganacsiga uu sameeyay Raabta waa mid bur bur taariikhi ah ku dhacay, weliba waxaa ugu sii daran United Kingdom oo uu filimkan ka keenay £20,000 mudo sedex maalmood ah!

Sida shabakada Boxoffice India xaqiijisay Raabta wuxuu suuqyada caalamka mudo sedex maalmood ah ka keenay $350,000 (2.25 crore) weliba waa filim meel ka baxsan Hindiya lagu duubay sheeko jaceylna ah waxaa la rabay inuu ugu yaraan ganacsi dhe dhexaad ah ka sameeyo suuqyada caalamka laakiin midaas ma dhicin!

Filimada Commando 2 ($400,000), Naam Shabana ($620,000) iyo Sarkar 3 ($710,000) oo aan fariintooda suuqyada caalamka quseyn ama laga soo dhaweynin ayaaba Raabta ka lacag badiyeen sedexda maalmood ee ugu horeesay, taasi ayaaba tusaale kuugu filan filimkaan jabka taariikhiga ah ee ku dhacay!

Fadlan hoos kaga bogo Raabta ganacsiga uu suuqyada muhiimka ah ka sameeyay sedexdiisa maalmood ee ugu horeesay:

WARAR DHEERAAD AH:

United Kingdom – £17,000

US / Canada – $85,000

Gulf – $150,000

Australia – AS$20,000

Hadii aan dib ugu laabano sanadii 2016 Raabta waxaa ka lacag badan sedexdiisa maalmood ee ugu horeyso ganacsiga uu suuqyada caalamka ka sameeyay filimadii yar yaraa Madaari ($350,000) iyo Sanam Teri Kasam ($350,000).

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video