Maxaa Kala Qabsaday Sonam Kapoor Iyo Amitabh Bachchan Markii Sonam Usoo Jawaab Celin Weesay Big Bachchan

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Mega Star Amitabh Bachchan inkastoo uu yahay jilaaga ugu awooda badan uguna caansan ee ebid Hindiya soo maray hadana waa mid jilaayaasha Bollywood-ka la fal galo xushmad weyna u muujiyo.

Todobaadkaan bilawgiisa Sonam Kapoor ayaa 32-jirsatay waxayna hambalyo kala duwan ka heshay inta badan saaxiibada ay Bollywood-ka iyo caalamka ku leedahay.

Amitabh Bachchan ayaa fariin hambalyo oo SMS ah u diray Sonam Kapoor uguna hambalyeeyay dhalshadeeda asigoo u muujiyay gabadhaan Anil Kapoor dhalay inay agtiisa ku weyn tahay.

WARAR DHEERAAD AH:

Laakiin Sonam Kapoor baraha bulshada ay soo dhigtay jawaab celin ay qof walbo ugu mahad celineyso hambalyada ay usoo dirtay waxayna tiri “Dhamaantiin waad mahad santihiin hambalyada aad ii soo dirteen waana idin wada jeclahay dhamaantiina”

Amitabh Bachchan markii uu jawaab ka waayay Sonam Kapoor ayuu hadal kusoo tuuray weliba baraha bulshada ayuu qoraalkan soo dhigay “Sonam Kapoor anigana maxaa dhacay oo aad iigu mahad celin weesay, kani waa Amitabh Bachchan qaalideydiyee, waxaan kuu soo diray fariin qoraaleed SMS maalintii dhalashadaadii, laakiin marnaba iima soo jawaabin, maxaa dhacay!!!”

Sonam Kapoor wey isku naxday madaama Twitter-ka Big Bachchan ku leeyahay malaayiin taageero ah uu xidigtaan karaamada kaga qaaday.

Sonam wey soo jawaab celisay waxayna tiri “Alla Illaahayoow! Mudane fariintaadii ima soo gaarin!! Marwalbo qof walbo waan usoo jawaab celiyaa!! Aadbaa u mahad santahay! Mida kale fariin uu ii soo diray Bachchan-ka yar (Abhishek Bachchan) wey isoo gaartay, aadbaan uga xumahay inaan fariintaada arki waayay.”

Dhinaca shaqada Sonam Kapoor iyo Amitabh Bachchan waxay kasoo wada muuqan doonaan filimka Padman inkastoo Big Bachchan muuqaal marti ah ku leeyahay waxaana atoore kowaad ka ah Akshay Kumar.

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. Ayaan muuse says:

    wad mahadsa tihiin bahda fimside net




Featured Video