Maxaa Ku Dhacay Harman Baweja: Wiilkii Jir Ahan Diyaarsanaa Maanta Waa Isku Dhex Dhacay (+Sawiro)

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Harman Baweja wa wiilkii Bollywood-ka kusoo biiray sanadii 2008 kuna soo caan baxay filimkii Love Story 2050 ee uu la sameeyay Priyanka Chopra.

Harman Baweja wuxuu magac ku yeeshay in lagu tilmaamay atoore muuqaal ahaan Hrithik Roshan u ek sidoo kalena waxaa aabo u ah filim sameeyaha caanka ah Harry Baweja oo sameeyay aflaantii hirgaleen 90-maadkii.

Harman Baweja filimkiisii ugu dambeeyay wuxuu ahaa Dishkiyaoon oo Sunny Deol door caawiye ku lahaa halka Shilpa Shetty filimkan soo saare ka ahayd laakiin wuu ka bur buray filimkiisa.

WARAR DHEERAAD AH:

Madaama dhamaan filimadii koobnaa ee uu Harman Baweja sameeyay ganacsi ahaan guul dareesteen haatan mudo sedex sano ah qof filim u dhiibtay ma jiro!

Midaasna waxay sababtay in saaxada laga waayay oo xitaa goobaha xafladaha lagu arkin uuna bilaabay inuu gurigiisa iska joogo.

Hadaba todobaadkaan Harman Baweja meel fagaaro ah ayaa lagu arkay laakiin cimri deg deg ayaa ku dhacay muuqaal ahaan madaama uu u ekaaday nin 50-sano sare u dhaafay waloow da’diisa tahay 36-sano!

Waxaa muuqato Harman Baweja shaqo la’aanta ku dhacday awgeed inuu is hilmaamay jirkiisana dayacay hadana waxaa loo maleeyaa in da’diisa uu labo laab ka weyn yahay!

Fikradaha Akhristayaasha (2)

  1. Yusuf eges says:

    Hhhhh war mala wa aabihiii

  2. Fan of shraddha kapoor says:

    Ar cayilaa somaloda qaar si ay u cayilaan ayey kinini u cunaan balse dhibatatiisa ma oga




Featured Video