Ranbir Kapoor Waligiis Ma Guursan Doono Gabbar Ay Waalidkiisa Usoo Dooqeen

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Waxaa la isla dhex maraayay dhowr bilood ka hor in Ranbir Kapoor hooyadiis Neetu Singh magaalada London kusoo aragtay gabbar ay dooneyso in wiilkeeda guursad.

Madaama Ranbir Kapoor xiriiradii jaceyl ee uu horey ula soo sameeyay Sonam Kapoor, Deepika Padukone iyo Katrina Kaif waxay hooyadiis ku fikirtay wiilkeeda inay nolosha qayaaliga ah ka saarto reerna u dhisto una guuriso gabbar aan fanka Hindiya ka tirsaneyn.

WARAR DHEERAAD AH:

Hadaba Ranbir Kapoor ayaa sheekadan wax kama jiraan ku tilmaamay waxaana laga soo xigtay inuusan waligiis guursan doonin gabbar ay waalidkiisa usoo dooqeen ama usoo xuleen.

Shabakada DNA ayaa RK kasoo xigatay hadaladaan “Marka aan dabco inaan guursado waxaan ku guursan doonaa dooqeyga ee marnaba ma guursan doono gabbar waalidkeyga ii soo dooqeen”

“Dhab ahaantii jaceyl ayaan ku guursan doonaa sida ay waalidkeyga (Rishi iyo Neetu) isku guursadeen oo kale waayo iyaga ayaa jaceyl isku doorteen anigana jaceyl ayaan ku guursan doonaa”

Dabcan waxaan u rajeyneynaa RK inuu helo gabbar nolosha la wadaagto oo ay is fahmaan madaama xidigaan haatan nolosha kali ku yahay…………………

Fikradaha Akhristayaasha (2)

  1. Taageere deepuu says:

    Aniga waxan rajaynaa in depika iyo ranbir isku soo laaban doonaan

  2. Ayaan20 says:

    Ranbir wali wuxuu la socdaa Katrina ha ku tiyoon in uu Dipika ku soo noqdo waa fikirkaaga




Featured Video