Rasmi: Kaartada Kowaad Filimka Baadshaho Oo Lasoo Bandhigay Ajay Devgn Iyo Kooxdiisa Maxaa Ka Filan Doonaa

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Waxaa si rasmi ah loo soo bandhigay kaartada kowaad filimka Baadshaho ee uu hogaamiye ka yahay Ajay Devgn waana filim Action ah oo mudo la wada sugaayay in wax aqbaar ah laga helo.

WARAR DHEERAAD AH:

Filimka Baadshaho waxaa wada jilayaan Ajay Devgn, Emraan Hashmi, Vidut Jamwal, Esha Gupta and Ileana D’Cruz waxaana tiyaatarada la saari doonaa 1 September 2017.

Ajay Devgn ayaa kaartada ama aragtida kowaad Baadshaho barta Twitter-ka soo dhigay wuxuuna soo raacsiiyay qoraalkaan “Xaaladii deg dega ahayd sanadii 1975 dhacday waxay qaadatay 96-saacadood, 600-km, hal gaari oo la dhacay, waxaa ku jireen malaayiin dahab ah, waxaana falkaas geesteen lix qof oo kala daran, Baadshaho iyo duufaantiisa wey soo socotaa”

Filimka Baadshaho waxaa Director ka ah Milan Lutharia wuxuuna ku saabsan yahay koox is abaabushay oo dhacday keed dahab ahaa oo gobolka Punjab yaalay bartamihii 70-maadkii.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video