Sunny Deol Oo Xaflada Border Sanad Guuradiisa 20-aad Loogu Dabaal Dagay Ka Baaqday Iyo Sababta

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Filim sameeye Jp Dutta mudo bil ka hor ayuu ka codsaday dhamaan kooxdii filimkiisa Classic ah sameesay Border inay kala soo qayb galaan xaflada loogu dabaal dagayo sanad guuradii 20-aad ee kasoo wareegatay daawashada filimkan.

Hadaba hogaamiyihii filimka Border Super Star Sunny Deol wuu ka baaqday inuu soo xaadiro xafladii loogu dabaal dagay sanad guuradii Border.

Sunny Deol wuu jeclaa inuu xaflada imaado sidoo kalena saaxiibadiisa Border la jileen waqti la qaato laakiin arin uusan ka fursan karin ayaa heesato.

WARAR DHEERAAD AH:

Sunny Deol ayaa lasoo xariiray Director JP Dutta una cudur daartay inuusan Mumbai kusoo laaban karin madaama uu haatan duubayo muuqaalada ugu muhiimsan filimka wiilkiisa Karan Deol lagu soo caan bixinaayo Pal Pal Dil Ke Paas.

Sunny Deol oo filimka Pal Pal Dil Ke Paas Director iyo soo saare ka ah ayaa ku sugan magaalada Manali ee Waqooyiga Hindiya wuxuuna haatan si gaar ah ugu mashquulsan yahay duubistaha qaybaha filimkaan ugu muhiimsan.

Sunny Deol iyo doorkiisii Classic ahaa Kuldip Singh marnaba ma hilmaami doono wuxuuna dabaal daga 20-sano guurada filimka Border ka yiri “Border marwalbo wuxuu ahaan doonaa filim qaas ii ah, waqti wacan ayaan JP Dutt la qaatay waligeyna waan rabay inaan sameeyo filim dagaal oo dhaxal gal ah midkaasna Border ayaa noqday oo 20-sano kadib weli siweyn loo xasuusto”

“Maalin ayuu sheekada Border hal mar ii dul maray Director JP Dutt aniga si dhaqsi ah ayaan ku aqbalay sameyntiisa madaama ay ahayd riyo qalbigeyga ku jirtay inaan filim dagaal sameeyo”

“Waa arin murugo leh inaan ka maqnaado dabaal daga sanad guurada 20-aad ee Border balse waxaan ku maqanahay oo aan kasoo tagi karin duubista iyo ogaan shaha filimka wiilkeyga Karan jilaayo”

Fikradaha Akhristayaasha (2)

  1. City meter says:

    zhpw markad rabtd ind goos gooska filimka daawaTo xgee lagatagaa? mhdsnd




Featured Video