20 years of Border: Suniel Shetty Siduu Ku Aqbalay Sameynta Border, Saameynta Uu Noloshiisa Ku Yeeshay Iyo Arimo Kale Wareysi Xiiso Badan

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Shabakada Hindustan Times ayaa wareesatay Bollywood Action Hero Suniel Shetty oo qayb ka ahaa atoorayaashii filimka Border magaca iyo maamuuska ku heshay.

Todobaadkaan oo loo dabaal dagayo sanad guuradii 20-aad kasoo wareegatay daawashada filimka Border ee All Time Blockbuster noqday ayaan idiin heynaa macluumaadyo xiiso badan oo filimkaan ku saabsan.

Aqriste side macquul ku ahaan laheyd in la helo atoore kale oo doorka Bhairav Singh si geesinimoku jirto u matali karo naftiisana u huri hadii Suniel Shetty uu sameyn laheyn filimka Border?

Wareysiga Hindustan Times Suniel la yeelatay hoos kaga bogo oo ku saabsan filimka Border oo kaliya:

Su’aal: Sidee Ku Heshay Doorka Bhairav Singh Oo Noqday Mid Noloshaadaa Aan Kaa Haarin?

Suniel Shetty: Dhab ahaantii waan iska diiday sameynta Border, waayo cabsi ayaan ka qabay mudane Director JP Dutta, madaama aan ka maqlay sheekooyin ah inuu yahay filim sameeye jilaayaashiisa xakameeyo sidoo kalena fara galintiisa badan tahay.

Mana rabin inaan Border qayb ka noqdo, laakiin ma uusan iga harin markii aan ka diiday sameynta doorka Bhairav Singh ee wuxuu la kulmay hooyadeyda labaad (Sodohdeyda) wuxuuna la wadaagay sheekada Border iyo doorka aan ku yeelan doono.

Sodohdey wey ii wacday waxayna ii sheegtay inaan waalanahay hadii aan diido sameynta doorka Bhairav Singh. Hada 20-sano aadbaan u faraxsanahay in doorka Bhairav Singh nolosheyda uusan ka harin, sidoo kalena aan dhageestay taladeyda sodohdeyda sidoo kalena go’aankeygii aan ku diidi lahaa Border kaga baaqday.

Su’aal: Border Waxaad Ku Duubteen Saxaraha Oo Cimilo Ahaan Aad U Kulul, Bal Ka Waran Waaya Aragnimadii Dhibka Badneyd?

Suniel Shetty: Waxaan ku duubnay Border meel 60km ilaa 70km u jirto Bikaner, waxay ahayd xilika jiilaalka uu heerkii ugu sareeyay maraayay, bal ka waran habeenadaas ma jirin qof cagaha dhulka dhigi karay qabow jiray awgeed!

WARAR DHEERAAD AH:

Laakiin sheekada Border awgeed dhamaanteena maalintii qurux kulul ayaan ku shaqeeneyney halka habeenkiina qabow daran aan ku shaqeeneyney, xitaa anagoo cimilo aad u daran dhexda kaga jirno ayaan koox ahaan is mada daalin jirnay.

Su’aal: Border Maku Saleesan Yahay Sheekadiisa Dagaalkii Longewala ee Sanadii 1971 Dhacay, Sidoo Kalena Saameyn Border Makugu Yeeshay Markii Aad Sameesay?

Suniel Shetty: Waligeey waan ku faani jiray ciidanka xooga Hindiya tan iyo markii aan caruur ahaa, jaceyl waali ah ayaan dalkeyga u qabaa, mar walbo oo aan helo fursad aan filim ku xiranaayo labiska ciidamada maba diidi karo.

Laakiin Border wuxuu badalay aragida aan ka qabay ciidanka Hindiya gaar ahaan marka ay dagaal u socdaan ama bartanka kaga jiraan. Waxaan ogaaday askariga in laga rabo wax walbo oo noloshiisa ku xeen daaban inuu iska hilmaamo marka uu furanta aadayo kaliya waxaa laga rabaa in qalbigiisa uu ka buuxo jaceylka dhulkiisa hooyo.

Waxaan xasuustaa maalinta kowaad ee duubista Border inay nala joogaan qaar ka mid ah ciidanka xooga Hindiya, waxaana dhacday in Director JP Dutta inuu daaray heesta qiirada badan “Sandeshe aate hain” markii heeska hal bog dhamaatay dhamaan ciidamada wey wada ooyeen waana aamusin weenay laakiin anaga wax walbo caadi ayay nala ahaayeen halka iyaga qalbiga si dhab ah xanuun iyo murugo kaga dareemeen madaama ay soo arkeen furanta marka la joogo xanuunka ay leedahay!

Su’aal: Makula Ahayd In Border Sidaan Oo Dhan Loo Jeclaanayo Maantana 20-Sano Kadib Weli Xasuustiisa Nooshahay?

Suniel Shetty: Dabcan sidaas laguma fikiri karin marka kowaad, laakiin waxaan kalsooni ku qabay sheekada ay qoreen JP Dutta iyo OP Dutta inay tahay mid qaas ah oo dhaxal weyn reebi karto.

Xitaa maantadan la joogo 20-sano kadib marka aan Airport-ka joogo ama meel kasto oo aan tago oo ay askar ama saraakiil joogaan waxay ii sheegaan inay siweyn u jeclaadeen doorkeyga filimka Border, midaas waxay ii tahay sharaf iyo sumcad weyn oo aan ku faani karo!

Dhamaad,

Waad Ku Mahad santahay Aqriskaaga

Fikradaha Akhristayaasha (3)

  1. craxmaaan saleebaan says:

    Sunil shetty caadi maaha runtii wuxuba iila muuqdaa milatari dhab ah marka aan shaashadda ka arkayo……waa geesi dhab ah

  2. zuuuu says:

    wa filimkii u is dilayay sax ama qalad




Featured Video