Aqristayaal Kani Waa Neil Nitin Mukesh Iyo Doorkiisa Filimka Indu Sarkar!!

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Atooraha Neil Nitin Mukesh xad ayuu dhaafay markaana wuxuu sameestay waji ay adag tahay in jilaayaasha Bollywood-ka ee dhalinta yar inay sameestaan!

Neil Nitin Mukesh ayaa laga soo bandhigay wajiga uu ku matalaayo filimka Indu Sarkar ee uu Director ka ah Madhur Bhandarka waana filim ku saabsan sheeko dhab ah oo ku saabsan siyaasada Hindiya.

Neil Nitin Mukesh ayaa hadal heynta filimka Indu Sarkar la wareegay madaama loo sameeyay muuqaal 100% shabaho ama soo dhaweenayo siyaasigii Sanjay Gandhi oo noolaa intii u dhaxeesay 14 December 1946 ilaa 23 June 1980.

WARAR DHEERAAD AH:

Neil Nitin Mukesh ayaa sawirkiisa barta Twitter-ka soo dhigay wuxuuna soo raacsiiyay qoraalkaan “Waa doorka iigu dhibka badnaa iiguna sax sanaa ee aan ebid shaashada ku matalo”

Neil ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in goos gooska filimka Indu Sarkar lasoo bandhigi doono 16-ka bishan June halka filimkan la daawan doono 28-ka July 2017.

Filimka Indu Sarkar sheeko ahaan waxaa lagu saleesay xalaadii kacsaneyd ee Hindiya ka jirtay intii u dhaxeesay 1975 ilaa 1977 iyo xiligii Ra’iisul Wasaare Indira Gandhi Hindiya kusoo rogtay xaalad deg deg ah mudo 21-bilood ah.

Filimka Indu Sarkar waxaa Neil Nitin Mukesh ku wehliyaan jilaayaasha kala ah Supriya Vinod, Anupam Kher iyo Tota Roy Chowdhury

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video