Blockbuster La Hubo: Salman Khan Iyo Prabhas Oo La Sheegay Inay Sameyn Doonaan Director Rohit Shetty Filimkiisa Xiga

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Haa waa xaqiiqo in Blockbuster weyn Hindiya sameyn doonaan hadii Mega Star Salman Khan iyo Baahubali Actor Prabhas hal filim loo wada dhiibo!

Kadib guushii taariikhiga ahayd ee uu gaaray Baahubali 2 qof walbo ayaa ku riyoonayo inuu Prabhas la shaqeeyo, shirkad walbo oo Hindiya ka jirtana waxay xusul duub ugu jirtaa inay Prabhas heshiis la gaarto.

Dhawaan Karan Johar ayaa la sheegay inuu Prabhas Bollywood-ka kusoo dari doono haatana sheekadan way soo xoogeesaneysaa.

WARAR DHEERAAD AH:

Shabakada DNA ayaa sheegtay in Prabhas labo ilaa sedex filim oo Bollywood ah sameyn doono mid ka mid ah waxaana iska leh Director Rohit Shetty.

Filimkaan waa Action waxaana hogaamiyaal ka wada noqon doonaan Salman Khan iyo Prabhas ayadoo la sheegay in Rohit Shetty uu haatan qal qaalo xoogan ugu jiro isku keenista labadaan atoore.

Rohit Shetty wuxuu doonayaa inuu sameeyo Blockbuster ka weyn Baahubali waxayna riyadiisa ku rimoobi kartaa hadii uu Salman Khan iyo Prabhas isku keeno.

Laakiin mashruucaan 2019 ka soke ma hirgali doono madaama Salman Khan jadwalkiisa aflaanta buuxaan sidoo kalena Prabhas isagana doonayo inuu shirkadiisa Telugu sal dhigto kuna mashquulsan sameynta filimkiisa Saaho.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video