Business Update: Halkuu Marayaa Ganacsiga Filimka Hit-ka Noqday Hindi Medium Gudaha Hindiya Iyo Suuqyada Caalamka

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Kooxda filimka Hindi Medium waa inay dhigtaan xaflad weyn oo ay guushooda ugu dabaal dagayaan waayo kooxo kale ayagoon filimadooda guulo gaarin ayay saxaafada qaldaan waxayna dhigtaan xaflad dabaal dag!

Filimka Hindi Medium oo ay hogaamiyaal ka yihiin Irfan Khan iyo atirishada reer Pakistan Sabba Qamar ayaa haatan ganacsigiisa marayaa 57 Crore (Trade Figure) sida shabakada Boxoffice India xaqiijisay.

Hindi Medium oo mar hore Hit dhameestiran noqday ayaa Boxoffice-ka ku garaacay filimkii weynaa Half Girlfriend oo tiyaatarka lala saaray ganacsi ahaan!

Fadlan hoos kaga bogo filimka Hindi Medium lacagaha uu ilaa haatan gudaha Hindiya kasoo xareeyay sida shabakada Boxoffice India soo daabacday:

Todobaadka kowaad – 23.25 Crore

Todobaadka labaad – 18.23 Crore

WARAR DHEERAAD AH:

Todobaadka sedexaad- 11.67 Crore

Todobaadka afaraad – 3.75 Crore (Mudo sedex maalmood)

Wadarta Guud – 56.90 Crore (Trade Figure)

Filimka Hindi Medium sidoo kale ganacsi fiican ayuu ka sameeyay suuqyada caalamka asigoo ilaa haatan keenay $2 million (13.20 Crore).

Sida muuqato filimka Hindi Medium marka uu tiyaatarada ka dago cimri ahaantiisa wuxuu keenidoonaa 90 Crore (Worldwide Gross) waa isku darka gudaha Hindiya iyo daafaha caalamka.

Waxay u tahay kooxda filimkaan yar guul lixaad leh in filimkooda ku dhawaaday 100 Crore inuu soo xareeyo isku darka gudaha Hindiya iyo daafaha caalamka xili sanadkaan filimo waa weyn ganacsi ahaan dhulka galeen.

Hambalyo Team Hindi Medium oo uu ugu horeeyo jilaaga aan la buun buunin Irfan Khan……………..

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video