Filimka Baahubali 2 Oo Weli Ganacsi Sameenayo Inkastoo Todobaadkiisa 7-aad Uu Filimkaan Ku Guda Jiro

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Shabakada Boxoffice India ayaa soo daabacday warbixin ku saabsan filimka Baahubali 2 oo ku aadan in filimkaan weli ganacsi sameenayo qaybtiisa Af Hindiga lagu daawanayo inkastoo uu mudo 7-isbuuc uu tiyaatarada saaran yahay.

Qaabka uu ganacsi u sameenayo Baahubali 2 todobaadkiisa 7-aad waxay ka dhigan tahay inuu ku biiray liiska aflaanta darajada gaarka ah gaareen ee mudo dheer tiyaatarada baaqi ku ahaa sida Gadar Ek Prem Katha, Dilwale Dulhania Le Jayenge, Raja Hindutani iyo Kabhi Khushi Kabhie Gham.

Ma jiro filimkan keenay 10-kaan sano (2010-2017) todobaadkiisa 7-aad lacago 2 Crore ah kaliya Baahubali 2 sameeyay qaybtiisa Af Hindiga lagu daawanayo!

Fadlan hoos kaga bogo filimka Baahubali 2 mudo 7-isbuuc ah lacagaha uu keenay qaybta Af Hindiga lagu daawanayo:

Todobaadka kowaad – 246.47 Crore (rasmi)

WARAR DHEERAAD AH:

Todobaadka labaad – 142.52 Crore (rasmi)

Todobaadka sedexaad – 69.43 Crore (rasmi)

Todobaadka afaraad – 29.11 Crore (rasmi)

Todobaadka shanaad – 12.41 Crore (rasmi)

Todobaadka lixaad – 5.38 Crore (rasmi)

Todobaadka todobaad – 2 Crore (mudo 5-maalmood ah) qiyaasta xili hore

Wadarta Guud – 507.32 Crore (Trade Figure) qiyaasta xili hore, Qaybta Af Hindiga Lagu Daawanayo

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video