Jagga Jasoos Dartiis Ranbir Kapoor Mar Dambe Filim Ma Qarash Gareen Doono!

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Dhamaanteen waxaan wada ognahay Jagga Jasoos oo la daawan doono 14-ka July 2017 inuu yahay filimka ugu horeeyo ee Ranbir Kapoor maal galinaayo.

Balse RK ayaa sheegay in Jagga Jasoos uu yahay filimka ugu horeeyay uguna dambeeyay ee uu qarash gareeyo sidoo kalena hada kadib u dhawaan doonin inuu filim maal galiyo.

WARAR DHEERAAD AH:

RK wuxuu yiri “Filim maal galinta ma ahan koobkeyga shaaha ee aan leeyahay, hada kadib uma dhawaan doono waa shaqo madax xanuun iyo dhib joogto ah wadato!”

“Waxaan ahay dabiiciyin qof caajis badan marka masuuliyada inaan qof walbo la xisaabtamo ma qaadan karo waxaana doonayaa kaliya inaan ku ekaado doorkeyga jilaanimo”

Madaama Ranbir Kapoor filimka Jagga Jasoos bilaabay sameyntiisa sedex sano ka hor waxaa ku dhacay dib u dhacyo badan filimkaan taasi ayaa sababtay inuu ka niyad jabo shaqada ah maal galinta filimada.

RK filimka Jagga Jasoos waxaa u sameeyay Director Anurag Basu oo hada ka hor u sameeyay filimkii uu abaal marinada ku qaatay Barfi waxaana filimkaan wax ka jileyso Katrina Kaif.

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. Katrina ❤ says:

    Barfi katrina kuma jirin priyanka ku jirtay iyo ileana




Featured Video