Maxaa Dhacay Markii Salman Khan, Katrina Kaif Iyo Ranbir Kapoor Hal Goob Ku Wada Sugnaayeen

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Macquul ah ma ahan in Salman Khan, Katrina Kaif iyo Ranbir Kapoor hal goob ku wada sugnaadaan balse wey dhacday!

Salman Khan ayaa xayeysiin balaaran u sameenayo filimkiisa Tubelight sidoo kalena lamaanihii hore Ranbir iyo Katrina maal mahan ma kala haraan ayagoo dan isku keentay oo ah inay filimkooda Jagga Jasoos xayeysiin u wada sameeyaan.

Salman, Ranbir iyo Katrina waxaa dhacday in maalintii shalay ahayd hal waqti soo wada galeen Istuudiyaha caanka ah ee Mumbai ku yaalo Mehboob Studio.

Ranbir-Kapoor--(3)

Salman Khan iyo Katrina Kaif inkastoo horey xiriir jaceyl kaga dhaxeen jiray hadana arimahaas wey iska hilmaameen haatana waa saaxiibo caadi ah oo si wacan isku fahsan sidaa darteed wax dhib ah iskuma qabaan inay hal goob wada joogaan.

WARAR DHEERAAD AH:

Balse Salman iyo Ranbir isma arki karaan madaama hada ka hor xurguf dhex martay xiligii Ranbir uu jaceyl la wadaagay Katrina Kaif taasi oo sababtay in Salman ka xumaaday.

Ranbir-Kapoor--(1)

Markii Mehboob Studio la isku arkay Salman Khan si gaar ah Katrina ayuu ula sheekeestay xitaa banaanka ayuu la yimid ilaa uu gaarigeeda ku hubsaday.

Ranbir isagana Mehboob Studio ayuu baaqi kusii ahaaday si saxaafada aysan warbixino qaldan kaga gudbinin wuuna ka gaabsaday inuu Salman la hadlo marba hadii xiriirkooda uusan wanaagsaneyn.

THAN-HE-WENT-IN-AUTO-WITH-RAMESH-TAURANI

Salman Khan markii uu Katrina gaarigeeda ku hubsaday isagana goobta wuxuu kasoo raacay mooto Bajaaj oo uu ilaa gurigiisa ku tagay.

THAN-HE-WENT-IN-AUTO-WITH-RAMESH-TAURANI2

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. suleiman says:

    waxaas ayaa atooro kaa ah bajaaj ayaa la raacayaa atoorayaasha kale waligood ma raacayaan asxan atoore salman bhai




Featured Video