Rasmi: Aragtida Kowaad Filimka Baadshaho Iyo Ajay Devgn Oo Xarakadiisa Bilaabay

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Waxaan shalay idinla wadaagnay kaartada kowaad filimka Baadshaho oo lagu soo sawiray gaari weyn oo keed dahab ah saaran dhinacyadiisa qarax ka dhaceen una eg in la dhacaayo keedkaas.

Sidoo kalena kaartada waxaa lagu soo xardhay 6-tuugo oo xeelad badan inay dhac taariikhi ah u geesanayaan keedka dahabka eek u yaalo Punjab sheeko dhacday bartamihii 70-maadkii.

Hadaba waxaa si rasmi ah loo soo bandhigay aragtida kowaad filimka Baadshaho waxayna gaar u tahay Power Actor Ajay Devgn.

WARAR DHEERAAD AH:

Ajay Devgn wajigiisa waxaa ka muuqato qamarjinimo dheeraad ah wuxuuna gacanta ku heestaa labo bistoolad asigoo dhar maddow ku labisan, dabcan wuxuu noqon doonaa hogaamiya Mission-ka dahabka lagu dhacaayo wato.

Filimka Baadshaho waxaa sidoo kale doorar muhiim ah ku leh Ileana D’Cruz, Vidyut Jammwal, Emraan Hashmi iyo Esha Gupta wuxuuna doorarkooda noqon doonaa ama tuugo Ajay la shaqeeyaan ama askar Ajay lid ku ah.

Baadshaho waxaa Director ka ah Milan Luthria waxaana la daawan doonaa 1 September 2017 ayadoo filimkaan lagu duubay Jodhpur, Mumbai iyo goobo kale.

Waxaa xusid mudan in Ajay Devgn iyo Director Milan Lutharia inay dib ugu laabteen Jodhpur ayagoo 17-sano halkaas ka hor u duubeen filimkoodii Hit-ka noqday Kacche Dhaage.

Rajo wanaagsan ayaa laga qabaa in Baadshaho uu noqon doono filim sheeko ahaan isku xirkiisa wanaagsan yahay Action wacana kusoo bandhigi doonaan Ajay Devgn iyo kooxdiisa.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video