Rasmi: Emraan Hashmi Iyo Kaartadiisa Filimka Baadshaho Oo Lasoo Bandhigay

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Filimka weyn Baadshaho oo ay wada jilayaan Ajay Devgn, Emraan Hashmi, Vidyut Jammwal, Esha Gupta iyo Ileana D’Cruz waxaana la daawan doonaa 1 September 2017.

Horey waxaa filimkaan looga soo bandhigay aragtida kowaad oo ahayd kaliya gaari weyn oo dhac loo geesanayo kadib waxaa xigtay kaarto hadal xoogan abuurtay oo ahayd Ajay Devgn oo wajiga maro ugu xiran sidoo kalena labo bistoolad gacanta ku heesto.

WARAR DHEERAAD AH:

Laakiin hadal heynta Baadshaho waxay cirka sii gashay markii haatan laga soo bandhigay kaarto u gaar ah Emraan Hashmi oo loo sameeyay waji aan xidigaan horey loogu arkin.

Emraan Hashmi wuxuu soo xirtay labiska hidaha dhaqanka ee lagu yaqaan reer Rajasthan wuxuuna gacanta ku heestaa sidoo kalena door xariifnimo inuu jilaayo ayaa ka muuqato.

Filimka Baadshaho oo uu Director Milan Lutharia ka yahay ayaa ku saabsan dhac ay qorsheesan oo ay geesteen koox isku xiran bartamihii 70-maadkii waxayna dhaceen keedkii ugu weynaa ee dahabka Hindiya.

Ajay Devgn iyo Emraan Hashmi horey waxay u wada sameeyeen filimada kala ah Dil To Bachcha Hai Ji iyo Once Upon A Time In Mumbai wuxuuna Baadshaho noqon doonaa filimka sedexaad oo ay labadaan atoore kasoo wada muuqan doonaan.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video