Salman Khan “Aamir Khan Gacmaha Iyo Lugaha Ayaan ka Xiri Doonaa Si Uusan Mar Sedexaad U Guursanin!”

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Su’aasha ugu badan ee Hindiya la is weydiinayay labadii sano ee ugu dambeesay waxay ahayd sababta uu Kattapa u dilay Baahubali?

Sababta uu Kattapa u dilay Armendra Baahubali waan ogaanay markii aan daawanay Baahubali 2 sidaas ayaana jawaabta ku helnay.

Laakiin waxaa jirto su’aal aan jawaab loo heynin oo ah Goormuu Salman Khan guursan doonaa? Inta jawaabteeda la sugaayay waxay gaartay sheekad in Salman Khan da’diisa sare u dhaaftay 50-sano!

Hadaba Salman Khan xili walbo uu saxaafada kaftan furo la galo waa qasab in arimaha noloshiisa gaarka ah lasoo qaado iyo xiliga uu guursan doono.

WARAR DHEERAAD AH:

Salman Khan oo filimka Tubelight xayeysiin u sameenayay ayaa saxaafada la fal galay waxaana lagu tuuray su’aal ah inuu la socdo in dhawaan saaxiibkiis Aamir Khan yiri “Salman Khan lugaha iyo gacmaha ayaan ka xiri doonaa si aan ugu guuriyo!”

Salman Khan wuu ka jawaab celiyay sheekadan wuxuuna yiri “Haa waan aqriyay in Aamir dhawaan yiri Salman lugaha iyo gacmaha ayaan ka xiri doonaa si guurkiisa kowaad uusan kaga baxsanin”

“Laakiin aniga waxaan kaga jawaab celinaa sheekadaas, inaad go’aansaday Aamir Khan inaan lugaha iyo gacmaha ka xiro si uusan mar sedexaad u guursanin!!!”

Aqriste Aamir Khan labo jeer ayuu Aamir guur soo maray xaaskiisii kowaad waxay ahayd Reena Dutta oo u dhashay wiil Junaid iyo gabbar Ira lagu magacaabo, kadib sanadii 2005 wuxuu Aamir guursaday Kiran Rao markii ay xaaskiisii kowaad kala tageen.

Aamir iyo Kiran Rao haatan wey isla nool yihiin waxaana u joogo wiil lagu magacaabo Azad Rao Khan waana lamaane Bollywood-ka caan ka ah.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video