Salman Khan Iyo Filimkiisa Kick 2 Oo Calaameesteen Christmas 2019 Inaan Lagu Qabsan Karin

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Wax iska caadi ah ayay Bollywood-ka u noqotay in ahmiyada kowaad la siiyo carbuunashada xiliyada fasaxa jiraan sidaa darteed Mega Star Salman Khan filimkiisa Kick 2 ayaa la sheegay in la daawan doono Christmas 2019.

Sida hada jadwalka yahay Christmas 2017 waxaa la daawan doonaa filimka Tiger Zinda Hai ee Salman Khan hogaamiyaha ka yahay halka Christmas 2018 la daawan doono filimka SRK cilinka ama ninka gaaban ku jilaayo.

WARAR DHEERAAD AH:

Hadaba Sajid Nadiadwala oo Kick 2 Director ka ah ayaa diiwaan gashtay in filimkiisa xiliga feesta Masiixiga la daawado ee sanada 2019 (Christmas 2019) madaama xiligaas filimkii tayo wanaagsan ee la saaro ganacsi waali ah sameeyo.

Salman Khan ayaa sameeyay 2014 filimka Kick kaasi oo Blockbuster weyn noqday hadana doorkiisa Devil ayuu soo nooleen doonaa laakiin waxaa la sheegay in Kick 2 Sallu labo door oo mid xumaan xambaarsan ku matali doono.

Filimka Kick Salman waxaa la jileen Jacqueline Fernandez iyo Randeep Hooda balse haatan waxaa la sheegay Kick 2 in labadaan jilaa kasoo muuqan doonin sidoo kalena jilaayaal caalami ah lagu soo dari doono xitaa waxaa la isla dhex maraa in jilaa Hollywood ah Kick 2 lagu soo dari doono.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video