Shraddha Kapoor Iyo Farhan Akhtar Oo Wada Sameyn Doonaan Director Mohit Suri Filimkiisa Xiga

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Maalmo ka hor waxaan idinla wadaagnay in Farhan Akhtar uu feeryahan ku matali doono filimka uu iska leeyahay Director Mohit Suri.

Filimkaan warbixin cusub oo ku saabsan waxaa lagu sheegay in atirishada Shraddha Kapoor mashruucaan lagu soo dari doono.

WARAR DHEERAAD AH:

Shraddha iyo Director Mohit Suri xiriir dhow ayaa ka dhaxeeyo waxayna u sameesay ilaa haatan filimada kala ah Aashique 2, Ek Villain iyo Half Girl Friend.

Sidaa darteed Shraddha Kapoor waxay kulan la qaadatay Director Mohit Suri ayadoo la sheegay inay ka aqbashay filimkiisa cusub inay Farhan Akhtar la sameyso.

Shraddha Kapoor iyo Farhan Akhtar sanadkii hore waxay wada sameeyeen filimkii ganacsi ahaan bur buray Rock On 2 sidoo kalena sheekadiisa siweyn dadka isaga diideen.

Balse labadaan la isku xanto inuu xiriir ka dhaxeeyo waxaa la rajeynaa in mashruucooda cusub noqon doono mid tayo wanaagsan oo daawadayaasha soo jiidan karo.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video