SRK Iyo Anushka Sharma Filimkooda Jab Harry Met Sejal Oo Shaaca Laga Qaaday Inta Hees Ee Ku Jirto Filimkaan

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

SRK iyo Anushka Sharma filimkooda Jab Harry Met Sejal waxaa la daawan doonaa 4 August 2017 waana filim siweyn loo sugaayo.

Filimka Jab Harry Met Sejal oo Imtiaz Ali Director ka yahay dhawaan waxaa la xaqiijiyay in goos gooskiisa lagu dhex daawan doono filimka Tubelight ee Salman Khan hogaamiyaha ka yahay tiyaataradana laga daawan doono 23-ka bishan June.

WARAR DHEERAAD AH:

Haatana SRK oo taageerayaashiisa barta Twitter-ka barnaamij su’aalo iyo jawaab celin ayaa ku sheegay in filimka Jab Harry Met Sejal ay ku jiraan 10-hees.

SRK ayaa sidoo kale sheegay in heesaha filimka Jab Harry Met Sejal yihiin kuwo qurux badan sidoo kalena ku saleesan hadba xaalada sheekada filimka ku sugan tahay marka la daawanayo.

Sidoo kale SRK ayaa daaha ka rogay in mid ka mid ah heesaha filimkiisa uu qaadayo Super Star-ka reer Punjab ee haatan sida weyn loo jecel yahay Diljit Dosanjh.

Marka aan usoo laabano heesaha filimka Jab Harry Met Sejal SRK ayaa sheegay in hees lagu magacaabo Rehnuma’ iyo hee kale oo la dhaho Butterfly ku jiraan filimkaan jaceylka ah.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video