Xaqiiqooyin U Gaar Ah Filimka Dagaalka Ah Ee Sida Weyn Hindiya U Gil Gilay Border

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Madaama todobaadkaan loo dabaal dagayo sanad guuradii 20-aad ee kasoo wareegatay filimka weyn ee dagaalka ah Border kaasi oo Hindiya dhan gil gilay caalamkana laga soo dhaweeyay, isaga ayaan macluumaadkiisa idinla wadaagi doonaa.

Border ma ahan filim caadi ah waa mid fariin wadaninimo xambaarsan sidoo kalena siweyn Hindiya looga jecel yahay madaama lagu soo bandhigay dagaalkii Hindiya iyo Pakistan dhex maray bilawgii 70-maadkii.

Border waa All Time Blockbuster sidoo kalena waa filimkii ugu weynaa sanadii 1997 oo ay Bollywood-ka sameeyeen ilaa maantadana TV-yada iyo meel walbo siweyn aya looga jecel yahay daawashadiisa.

Jilaayaasha filimka Border: Sunny Deol, Sunil Shetty, Akshaye Khanna, Jackie Shroff, Rakhee, Tabbu, Sudesh Berry, Pooja Bhatt, Kulbhushan Kharbanda, Puneet Issar iyo jilaayaal kale.

Director & Producer: J. P. Dutta

Fadlan hoos kaga bogo xaqiiqooyin gaar u ah filimka Border oo ay kasoo wareegatay daawashadiisa 20-sano todobaadkaana xaflad lagu maamuusayo inta badan kooxdii sameesay kasoo wada qayb galeen:

Xaqiiqada 1-aad: Filimkaan waxaa lagu saleeyay sheekadiisa dagaalkii Longewella ka dhacay ee Hindiya iyo Pakistan dhex maray sanadii 1971, laakiin dagaalkaan ciidamada Hindiya labo askari ka badan ma aysan kaga dhimanin, inkastoo filimka Border laga dhigay in ciidamo fara badan oo Hindi ah goobta dagaalka lagu dilay si fariintiisa u noqoto mid xamaasadeesay oo ay daawadayaasha la qiiroodaan!

Xaqiqiada 2-aad: Director J. P. Dutta walaalkiis oo ka tiirsanaa ciidama cirka Hindiya kuna geeriyooday diyaarad dagaal oo bur burtay sanadii 1987 ayaa filimkaan lagu maamuusay, wuxuuna Director Dutta sheegay dagaalka Border lagu saleeyay in badan macluumaadka ku saabsan walaalkiis la wadaagay.

Xaqiiqada 3-aad: Diyaaradaha dagaalka, taangiyada iyo hubka kala duwan ee filimka Border loo adeegsaday waa kuwo rasmi ah oo dowlada Hindiya kooxda filimkaan siisay, waxayna ahaayeen hub adeegsigooda dowlada Hindiya ka dalacday meelna iska yaaleen laakiin kooxda Border adeegsigooda loo ogolaaday si dhacdooyinka dagaalka filimkooda mid xaqiiqo ah daawadayaasha ugu ekaado.

Xaqiiqada 4-aad: Filimka Border waxaa lagu duubay goobtii dhabta ahayd ee dagaalkii 1971 ka dhacay weliba saxaraha Bikaner iyo goob kasto oo Hindiya iyo Pakistan isaga hor imaadeen ayaa filimkaan lagu duubay.

Xaqiiqada 5-aad: Kuldip Singh Chandpuri waa abaan duulihii dagaalkii 1917 ee Hindiya la galeen Pakistan wuxuuna ahaa geesi dagaalka guul ka keenay sidoo kalena dowlada Hindiya bilad geesinimo siisay, waxaana xusid mudan in doorka Kuldip Singh Chandpuri uu filimka Border ku matalay Sunny Deol.

Xaqiiqada 6-aad: Sanjay Dutt ayaa markii hore lala saxiixday inuu filimka Border sameeyo laakiin booskiisa waxa lagu badalay Jackie Shroff, madaama Sanjay kiiskii dacwadiisa xabsiga dhamaan weesay xiligaas.

Xaqiiqada 7-aad: Atirishada Manisha Koirala ayaa markii hore lala saxiixday inay filimkaan wax ka jisho balse markii dambe wey isaga baxday ayadoo sharaxaad dheeri ah ka bixinin sababtii ay sameynta Border ku diiday.

WARAR DHEERAAD AH:

Xaqiiqada 8-aad: Sunny Shetty doorkiisa Classic ah Bhairav Singh sameyntiisa marka hore wuu iska diiday, kadib Director J.P Dutta intaas kagama harin asigoo aaminsanaa in doorkaan Sunil oo kaliya u cadaalad fali karo.

Wuxuuna Director Dutta la kulmay Sunil sodohdiisa markii uu sheekada la wadaagay Sunil goobta ayaa loogu yeeray waxayna sodohdiisa u sheegtay inuu waalan yahay hadii uu iska diido sameynta filimka Border, sidaas ayuuna ku aqbalay.

Xaqiiqada 9-aad: Border waa Blockbuster-ka 7-aad ee ugu weyn oo ay Hindiya sameeyeen 23-kii sano ee ugu dambeesay waxaana filimkaan tikit u goosteen 37-milyan iyo 83,000 oo qof!

Dhamaad,

Waad Ku Mahad santahay Aqriskaaga

Filimada Aan Horey Xaqiiqooyinkooda Kaga Soo Hadalnay Fadlan Hoos Kaga Bogo:

Xaqiiqooyin U Gaar Ah Filimka Pyaar To Hona Hi Tha Fadlan RIIX HALKAAN

Xaqiiqooyin U Gaar Ah Filimka¬†Kaho Naa… Pyaar Hai Fadlan RIIX HALKAAN

Xaqiiqooyin U Gaar Ah Filimka Main Hoon Na Fadlan RIIX HALKAAN

Xaqiiqooyin U Gaar Ah Filimka Jaani Dushman Fadlan RIIX HALKAAN

Xaqiiqooyin U Gaar Ah Filimka Wanted Fadlan RIIX HALKAAN

Xaqiiqooyin U Gaar Ah Filimka Mann Fadlan RIIX HALKAAN

Xaqiiqooyin U Gaar Ah Filimka Ajnabee Fadlan RIIX HALKAAN

Xaqiiqooyin U Gaar ah Filimka No Entry Fadlan RIIX HALKAAN

Xaqiiqooyin U Gaar Ah Filimka Mohabbatein Fadlan RIIX HALKAAN

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. khaalid cade says:

    asc sxp zaki codsi xaqiiqoyinka filimada sheekadooda oo dhameystirana soo raci waayo filimaan badan oo aan sheekadooda hayn ayaa jira sxp codsigeyga ii tixgali INA so jawaab mahadsanid




Featured Video