Akshay Kumar Farxad Uma Dhino Madaama Goos Gooska Filimkiisa Toilet Ek Prem Katha Soo Dhaweyn Balaaran La Kulmay

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Dadka arimaha ganacsiga filimada ka faaloodaan iyo kuwa filimada naqdiyaan dhamaan waxay ka wada siman yihiin amaanta weyn oo ay kala dul dhacayaan Super Star Akshay Kumar filimkiisa Toilet Ek Prem Katha goos gooska laga soo bandhigay.

Toilet Ek Prem Katha waxaa la isku raacay inuu yahay goos goos dheeli tiran madaama mada daalo leeyahay sidoo kalena fariin waaqici ah xambaarsan yahay.

Sidaa darteed kalsooni weyn ayaa lagu qabaa todobaadka xurnimada Hindiya (Independence Week) oo ku beegan todobaadka labaad August ee sanadkaan inuu filimkaan ganacsi weyn sameyn doono.

WARAR DHEERAAD AH:

Filimka Toilet Ek Prem Katha ilaa haatan waxaa daawadeen 15-milyan iyo 912,606 oo qof barta Youtube-ka (waa tirada marka aan warbixintaan haatan qoreeno daawatay).

Goos gooska filimkaan oo lasoo bandhigay 11-kii bishan June waxaa ka hadlay soo dhaweynta uu la kulmaayo Shital Bhatia oo soo saarayaasha ka mid ah waxayna tiri “Meel walbo oo aan tagno ama fariin walbo oo nasoo gaarto waa mid noogula mahad celinaa madaama goos gooska Toilet Ek Prem Katha qof walbo si weyn uga helay”

Akshay Kumar ayaa horey u xaqiijiyay in TEPK uu yahay filimka tirada ugu badan goos gooskiisa Facebook ka daawato waxaana markaas Facebook ka daawadeen 11-milyan oo qof mudo sedex maalmood ka hor ayuu filimkan iskoorkaas ka dhigay.

Fadlan hoos ka daawo goos gooska filimka Toilet Ek Prem Katha hadii aadan horey u daawanin waxaana filimkaan la daawan doonaa 11 August 2017:

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. akki says:

    my favourite actor akshay kumar




Featured Video