Filimka Baahubali 2 Oo Dhameestay Mudo 50-Maalmood Uu Tiyaatarada Saaran Yahay

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Filimka weyn Baahubali 2 ayaa u dabaal dagay maanta 50-cisho oo uu tiyaatarada saaran yahay weliba wuxuu sameeyay iskooro taariikhi ah oo ay adag tahay in dhawaanahan la jebiyo ama la gaaro.

Hadaba Baahuabali 2 dabaal dagiisa 50-maalmood kasoo wareegatay waxay kooxda filimka u sameeyeen kaartooyiin lagu weynayo dhacdadaan waxaana kaarto laga soo xardhay hogaamiyaha filimkaan Prabhas.

WARAR DHEERAAD AH:

Mudo 50-maalmood ah filimka Baahubali 2 ganacsigiisa guud isku dharka dhamaan luqadaha lagu daawaday wuxuu filimkaan keenay 1366 crores (Gross Money) canshuurta ka hor halka canshuurta kadib lacagaha nadiifka ah uu keenay 1060 crores (Net Money).

Sidoo kale Baahubali 2 suuqyada caalamka wuxuu ka keenay ilaa haatan 310 crores (Overseas Business) taasi oo ka dhigan in isku darka gudaha Hindiya iyo daafaha caalamka ganacsigiisa guud filimkaan gaaray 1676 crores.

Waxaan leenahay hambalyo kooxda Baahubali  2 oo uu ugu horeeyo Director SS Rajamouli ganacsiga baaxada leh ee filimkeena sameeyay iyo mudo 50-maalmood inuu tiyaatarada saaran yahay.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video