Kadib Dangal Tubelight Malaga Daawan Doona Gudaha Dalka China, Sohail Khan Ayaa Inooga Jawaabaya!!

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Filimka Dangal iskooro cusub ayuu kasameyay Gudanaha China, wuxuuna noqday filim caalami ah oo inbadan lawada jecelyahay.

Ganacsi taariikhi ah ayuuna halkaas kasameyay, hadaba waxaaa la isla magac qaaday in Tubelight laga daawan doono Dalka China iyo inkale.

Sohail Khan oo kamid ah jilayaasha filimka Tubelight ayaa koox joornaaliste yaal ah wax kaweydiyeen arimaha ku aadan in Filimkaan laga daawan doono Gudaha China iyo inkale.

Sohail oo arinkaa ka jawabaya wuxuu yiri,” waxaaan kutalo jirnaa in filimka Tubelight laga daawan doono gudaha China, inkastoo ay iska jiraan caqabado badan, China kaliya waxaa ilaa haatan laga daawaday aflaam yar oo wadamada kale iska leeyiihiin.

WARAR DHEERAAD AH:

Hadii filimka Tubelight ganacsi fiican sameyoo oo waliba heer sare ah, waa hubaal in laga daawan doono gudaha China.”

Dabcan Sohail wuu saxsanyahay waayo China kaliya waxaa laga daawaday ilaa haatan 34 filim oo ay iska leeyihiin wadamada shisheeye.

Halka boqolkiiba 90 laga daawado aflaamta ay iska leeyihin reer Hollywood, filimka Dangal waaba laga daawaday halkaas, sido kale Baahubali2 ayaa diyaar garow ugu jira asna in halkaas laga daawado maadama uu ganacsi taariikhi ah sameyay.

Hadaba waxaaan sugnaaba waa in Tubelight halkaas laga daawado waayo rajoyin badan iyo sababo badan ayaaa jiraan in filimkaan halkaas laga daawan doono.

Waxaaana kamid ah midaas in atariishada filimkaan ay tahay gabar udhalatay dalka China taaso ah Zhu Zhu lana hogaamineyso Salman Khan filimkaan.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video