Sidee Ku Dhacday Sedex Filim SRK Sameeyay Kuwaas Oo Lacagaha Lagu Qarash Gareeyay Soo Celin Hadana Hit Dhameestiran Noqdeen Qaybta 1-aad

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Bollywood King Aka Shah Rukh Khan waa atoore guusha u saaxiib ah sidoo kalena 25-ka sano ee uu fanka Hindiya ka tirsan maqaamkii ugu sareeyay gaaray.

Hadana King Khan aflaantiisa waa kuwo guulo taariikhi ah gaaray gudaha Hindiya iyo daafaha caalamka siweyna loo jecel yahay.

Waxaa jirto dood mudo dheer soo taagneyd oo ku saabsan sedex filim oo SRK sameeyay kuwaas oo shabakada Boxoffice India u aqoonsatay Hit dhameestiran ayagoo dib usoo celinin lacagaha lagu qarash gareeyay.

Sidaa darteed Shabakada Boxoffice India waxay soo saartay sharaxaad ku aadan sedex filim oo SRK sameeyay kuwaas oo lacagaha lagu qarash gareeyay ka yar yahay Boxoffice-ka gudaha Hindiya lacagaha uu kasoo xareeyeen iyo sida Boxoffice India Hit dhameestiran ugu aqoonsatay.

Filimka Devdas:

Lacagaha lagu qarash gareeyay = 44 Crore

Lacagaha nadiifka ah ee uu keenay= 41.65 Crore

Qasaarada = 2.35 Crore

Hadaba Siduu Devdas Hit Ku Noqday Marba Hadii Qasaaro 2.35 Crore Lagala Kulmay?

Marka kowaad natiijada Boxoffice-ka laguma saleeyo filimka lacagaha lagu qarash gareeyay oo kaliya balse waxaa lagu saleeyaa lacagta kooxda cajaladaha qeybiyaan ku iibsadeen gobol walbo oo la isku daray.

Sanjay Leela Bhansali filimka Devdas waxaa ka gashay 44 Crore laakiin ka hor inta aan tiyaatarada la saaray ayay lacagtiisa usoo laabatay marka uu iibiyay xuquuqaha Satelite-ka, heesaha, xayeysiimaha shirkadaha loo sameeyay iyo qeybinta cajaladaha loogu gatay.

WARAR DHEERAAD AH:

Image result for srk in devdas

Marka aan ka abaarno qodobka muhiimka ah in filimka lacagaha lagu iibsado lagu saleeyo natiijadiisa ileen soo saaraha filimka lacagtiisa dib ayay ugu soo laabatay ka hor inta aan tiyaaatarka la saaray waxaa qasaaro la kulmayaan kooxda cajaladaha iibsadeen hadii filimka fashilmo.

Devdas kooxda cajaladaha qeybiyaan waxay ku iibsadeen 16.50 Crore (Distributor’s price)

Sidaa darteed Devdas marka tiyaatarada la saaray wuxuu keenay cimri ahaantiisa gudaha Hindiya 41.65 Crore (Net Money).

Lacagaha 41.65 Crore ee Devdas keenay saami ahaan kooxda cajaladaha qeybiyeen waxaa kusoo aaday 24.75 Crore (Distributor’s Share) halka 16.90 Crore ay qaateen kooxda tiyaatarada iska leh (Exhibitor’s Share).

Gunaanad:

Hadii kooxda cajaladaha Devdas qeybiyeen ku iibsadeen 16.50 Crore sidoo kalena marka tiyaatarada la saaray kadib ka heleen 24.75 Crore tani waxay ka dhigan tahay kooxda Devdas iibsatay inay 8.25 Crore faa’iido ah ka heleen (Net Profit).

Xeerka Boxoffice India natiijooyinka filimada ku siiso wuxuu dhigaa in filimkii kooxda cajaladaha qeybiyaan 50% faa’iido ah ka helaan ama lacagaha ku iibsadeen labo laabkeeda faa’iido ahaan kaga helaan inuu Hit dhameestiran yahay.

Halka faa’iidada marka ay noqoto 100% filimka Super Hit yahay, sidoo kalena faa’iidada filimka laga helay marka ay 200% ayuu Blockbuster yahay sidoo kalena 300% marka macaashka ay heleen kooxda cajaladaha qeybiyo la eg yahay ayuu filimka noqdaa All Time Blockbuster.

Sidaa darteed dooda ku aadaneyd sababta Devdas Hit ku noqday asigoo lacagaaha lagu uu keenay ay ka yar tahay lacagaha lagu qarash gareeyay jawaab waafi ah oo lagu qanco ayay Boxoffice India ka bixisay.

La Soco Filimka 2-aad Ee SRK Sameeyay Kaasi Oo Lacagaha Uu Boxoffice-ka Ka Keenay Ka Yar Tahay Lacagaha Lagu Qarash Gareeyay Hadana Boxoffice India Hit U Aqoonsatay Sharaxaada Laga Bixiyay…..

F.G: Maqaalkaan waxaan usoo qaadanay in aqristayaasheena in badan fahmaan nidaamka ganacsiga filimada iyo qaabka natiijooyinka lagu saleeyo marwalbana filimka natiijiisadiisa ku xiran tahay kooxda cajaladaha qeybiyaan faa’iido iyo qasaaro waxa ay la kulmaay.

Fikradaha Akhristayaasha (7)

  1. sharp says:

    wali halkaa ma fahmin filmkii kaabil inta aan tiyatarada lasarin ayu lacagtisi soo celiyay hadana wuu guuldaraystay boxofficeka shahrukhan basa may sidaa usamaynayan mise ma jirta actor aan shahrukhan ka ahayn oo sidan oo kale filmkiisa u guulaystay isagoo lacagtii lagu sameyay soo celin haday jiran nala wadaaga thnks

    • Zakarie Abdi says:

      Maqaalka maa aadan fahmi si fiican u aqri filim walbo natiijadiisa waxay ku xiran tahay lacagaha kooxda cajaldaha qeybiyaan ku iibsadeen hadii uu dib usoo celiyo ee kuma xirno kooxda iska leh lacagaha ay ka helaan.
      Tusaale ahaan Kaabil reer Roshan waxay ku qarash gareeyeen 50 Crore waxayna ka heleen 116 Crore ka hor inta aan tiyaatarada la saarin taasi oo ka dhigan in 66 Crore faa’iido ah reer Roshan ka heleen laakiin natiijada filimka halkaas kuma xirno.
      Kaabil wuxuu ku guul dareestay in reer Roshan 50 Crore kooxda cajaladaha qeybiyaan kaga iibiyeen iyagana waxaa saami kusoo aaday kooxdii iibsatay 42 Crore markii tiyaatarada uu Kaabil ka keenay 86 Crore cimri ahaantiisa.
      Marka 50 Crore ayaa Kaabil lagu iibsaday 42 Crore ayaa dib ugu soo laabatay kooxda cajaladaha qeybiyeen taasi oo ka dhigan in 8 Crore ka luntay waana Below Average.
      Marka halkee Kaabil ka guuleestay adiga inooga jawaab ileen kooxdii laga iibiyay 8 Crore qasaaro ah ayay la kulmeen?

      • sharp says:

        bro kuma odhan kaabil wuu gulaystay dib ueeg takale waxan ku waydiyay ayay ahayd miyu jira actor kale oo sidan oo kale filmkisu ugulaystay inta kale waan isla fahanay

  2. maxamed haadi says:

    srk waa best acter in the bollywood

  3. Somali pure says:

    mafahmin halkaaa

  4. Yasir ahmed says:

    Thnks filmside aniga wxn u fahmay in kooxda cajaldaha qybisay iyo kuwa tiyatarada iska leh
    Ay faiidadodii u soo laabatay isla waqtigii tiyatarda lasaray kadib uu filmkii dib hoos u dhac
    Uga yimi lacagti lagu kharash gareyeyna keeni
    Waayey

    • Zakarie Abdi says:

      Bro filim kasto guushiisa iyo guul daradiisa waxay ku xiran tahay qiimaha ay kooxda cajaladaha ku iibsadeen hadii ay dib u helaan ama ku qasaaraan ee kuma xirno lacagaha lagu qarash gareeyay marka waa sidaas.




Featured Video