Boxoffice Update: Riteish Deshmukh iyo Vivek Oberoi Filimkooda Bank Chor Oo Si Aad U Liidato Ku Furmay Subaxaan!

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Riteish Deshmukh iyo Vivek Oberoi filimkooda shactirada ah Bank Chor ayaa si aad u liidato ku furmay subaxaan waxayna ku noqotay la yaab shirkada Yash Raj Films oo filimkaan iska leh.

Bank Chor ayaa ku furmay 5% ilaa 10% dhamaan gobolada Hindiya oo dhan waana bilaabasho aad u liidato ayadoo filimkaan laga daawanayo 700-tiyaatar.

WARAR DHEERAAD AH:

Riteish Deshmukh culees ayaa saaran waayo filimada uu atoore kowaad ka yahay dadka tiyaatarada kuma soo jiidi karo madaama filimadiisii ugu dambeeyeen Bangistan 1 Crore keenay maalinta kowaad halka Banjo isagana maalinta kowaad keenay 1.50 Crore.

Laakiin Bank Chor xoogaa wuu ka yara roonaan karaa labadaan filim asigoo 2 Crore ilaa 2.50 Crore keeni karo maalintiisa kowaad hadii maanta gelinka dambe uu sare u kac sameeyo.

Waxaa la yaab ah in sedexdii filim ee ugu dambeeyeen ee Riteish Deshmukh hogaamiye ka yahay xarafka B ka wada bilaawdaan (Bangistan, Banjo iyo Bank Chor) waxayna u muuqdaan inay isla wada guul dareesan doonaan madaama labada horey Flop u noqdeen Bank Chor isagana wadadaas ayuu mari doonaa hadii sare u kac waali ah sameynin maalintiisa labaad.

Waxaa la sheegay in filimka Bank Chor 75% dib usoo celiyay lacagaha lagu qarash gareeyay markii shirkada Yash Raj Films laga iibsaday xuquuqda Satellite-ka iyo qeybinta cajaladaha laakiin 25% inta ka harsan miisaaniyadiisa masoo celin karo marka laga cabir qaato sida uu subaxaan ku furmay!!!

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video