Rasmi: Filimka Dangal Iyo Mudo 6-Todobaad Ah Lacagaha Uu Gudaha China Kasoo Xareeyay

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Mr. Perfectionist Aamir Khan filimkiisa Dangal ayaa si rasmi ah loo soo bandhigay todobaadkiisa 6-aad lacagaha uu gudaha China ka keenay madaama uu weli ganacsi wacan halkaas ka sameenayo.

Filimka Dangal todobaadkiisa 6-aad gudaha China ka keenay $7.83 million taasi oo ka dhigan in wadarta guud mudo lix todobaad ah filimkaan halkaas kasoo xareeyay $182 million (1173.35 Crore).

WARAR DHEERAAD AH:

Lacagaha uu Dangal ilaa haatan gudaha China ka keenay waa kuwo taariikhi ah sidoo kalena Aamir Khan awoodiisa atoorenimo caalamka siweyn ayuu ugu baahiyay wuxuuna China ka noqday Super Star taageerayaal aad u fara badan ku yeeshay.

Dangal sidoo kale isku darka gudaha Hindiya iyo daafaha caalamka ilaa haatan wuxuu keenay 1943.80 Crore sidoo kalena wuxuu tiyaatarada ka dagi doonaa marka uu gaaro 2000 Crore.

Dangal haatan wuxuu ku dhow yahay inuu $300 million gaaro ganacsigiisa gudaha Hindiya iyo daafaha caalamka marka la isku daro waana darajo cusub oo Aamir Khan kaligiis gaar u tahay.

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. Taabit says:

    Aamir khan waxba yuusan Chine kubooteyn gudaha India la iska rabaa in uu gaaro 1000 crore iyo 520 crore oo bollywood kaliya ah filimkisa Dangal All india wuxuu ka keenay 385 crore Bahuballi2 bisha sebtember tiyaatarada Chine la saaraya ugu yaraan isku darka gudaha iyo dibada markaasi Filo 3000 crore




Featured Video