Rasmi: Filimka Hindi Medium Iyo Todobaadkiisa 4-aad Lacagaha Uu Keenay Kaliya Baahubali 2 Ayaa Ka Wanaagsan Sanadkaan!

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Ma jirin qof sadaalin karin in filimka Hindi Medium mudo 4-todobaad ah tiyaatarada saarnaan karo sidoo kalena maanka kuma soo dhicin in filimkaan uu noqon karo filimka labaad ee lacagaha ugu badan soo xareeyo todobaadkiisa 4-aad kadib filimka Baahubali 2 sanadkaan dhamaan filimada la saaray marka laga hadlaayo!

Irfan Khan iyo Sabba Qamar filimkooda Hindi Medium todobaadkiisa 4-aad wuxuu keenay 6.25 Crore (Trade Figure) sida shabakada Boxoffice India xaqiijisay.

WARAR DHEERAAD AH:

Hindi Medium haatan mudo 4-todobaad ah wuxuu Boxoffice-ka kasoo xareeyay 59.50 Crore (Trade Figure) wuxuuna heestaa hal todobaad kale oo uu ganacsi fiican filimkaan kusii sameyn karo.

Hindi Medium sida muuqato cimri ahaantiisa wuxuu ku istaagi doonaa 64 Crore ilaa 65 Crore inta u dhaxeyso asigoo ku ganacsi noqon doono filimadii sanadka hore la daawaday sida Pink oo Amitabh Bachchan iyo Taapsee Pannu wada jileen iyo Dear Zindagi oo ay Alia Bhatt iyo SRK wada jileen.

Hindi Medium waa filim Hit dhameestiran noqday madaama lagu qarash gareeyay 23 Crore sidoo kalena cimri ahantiisa ku istaagi doono 66 Crore sidoo kalena saami ahaan kooxda cajaladaha qeybiyaan ka heli doonaa 29 Crore ilaa 30 Crore inta u dhaxeyso.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video