Rasmi: Salman Khan Filimkiisa Tubelight Gudiga Filimada Faafreebaan Waa La Horgaayay Iyo Shahaadada La Siiyay

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Director Kabir Khan iyo Mega Star Salman Khan filimkiisa Tubelight si rasmi ah ayaa gudiga filimada faafreebaan loo horgeeyay kadib markii shalay dib u dhac ku yimid qaabkii filimkana loo faaf reebi lahaa.

Filimka Tubelight waxaa loo ogolaaday in la daawado 23-ka June 2017 sidoo kalena gudiga waxay siiyeen shahaadada loo yaqaan U Certificate (Unrestricted Certificate) oo ah in la siiyay shahaado Tubelight u ogolaaneyso inuu qof walbo tiyaatarka ka daawan karo caruur ilaa ciroole tikit wey u goosaan karaan.

WARAR DHEERAAD AH:

Qof ka tirsanaa gudiga faaf reebeen filimka Tubelight oo diiday in magaciisa lasoo xigto wuxuu yiri “Tubelight waa filim fariin waaqici ah xambaarsan kana soo horjeedo in dagaalka la dhiiri galiyo, waa fariin bini aadanimo oo Salman Khan si qurux badan u sameeyay, waa hubaal in caruurta, dhalinyarada iyo dadka waa weyn doorka Salman soo wada dhaweyn doonaan”

“Waa hubaal in qoysaska sida ay Bajrangi Bhiajaan kaga heleen siweyn ka weyn inay Tubelight usoo dhaweyn doonaan”

Filimka Tubelight hal hadal ama wada sheekeysi oo kaliya ayaa laga jaray xitaa hal muuqaal lagama jarin sidoo kalena gudiga filimkaan faaf reebeen dhamaan wey soo wada dhaweeyeen fariintiisa.

Tubelight waa filimka ugu horeeyay ee sanadkan la siiyo shaahaada U Certificate oo ah inuu qof walbo daawan karo madaama filimada waa weyn ee atooraha caanka ah sameeyeen badankooda la siiyay shahaadada UA Certificate oo ah in caruurta da’dooda ka hooseyso ay qasab tahay inay waalidkooda la socdaan waxaana shahaadadaas la siiyay filimada atoorayaasha waa weyn jileen sida¬†Shah Rukh Khan (Raees), Hrithik Roshan (Kaabil), Akshay Kumar (Jolly LLB 2).

Fikradaha Akhristayaasha (5)

  1. Being suleiman says:

    maashaa allah aad ayaan u farxay markii aan warkaan maqlay the best sallu bhai

  2. bade says:

    Sxb filimka Jolly llb 2 sababta caruurta loogu diday kaligood maxaa wacay labada kale in aargudasho iyo gangster weeyane

    • Zakarie Abdi says:

      Caruurta looma diidin ee waa inay waalidkooda la socdaan marka ay 12-sano ka yar yihiin waayo hadalado adag iyo arimaha kiiska maxkamadaha ayaa looga hadlaayay.

  3. injiner haadi says:

    sxb zakarie aflaamta hindiga marka ay caruurta dawanayaan mawaxa khasab ah in walidka uulasocdo

    • Zakarie Abdi says:

      Sxb hadii filimka shahaadadiisa tahay U Certificate caruurta uma baahno inay waalid la socdaan laakiin marka shahaadooyinka kale la siiyo waa qasab inay waalidka la socdaan waxaaba jiri karaan filimaan kale oo caruurta looba ogaleyn.




Featured Video