Salman Khan “Om Puri Door Weyn Oo Qurux Badan Ayuu Tubelight Ku Leeyahay”

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Mega Star Salman maal mahan isaga ayaa heesto saxaafada sidoo kalena sii heysan doono ilaa 23-ka bishan June tiyaatarada laga saarayo filimkiisa weyn ee la wada sugaayo Tubelight.

Sidaa darteed Salman Khan saxaafada waxay wax ka weydiisay doorka uu ruug cadaa Om Puri ku leeyahay filimka Tubelight inkastoo uu bilawgii sanadkaan geeriyooday Om Puri.

Salman Khan wuxuu yiri “Waxaan la sameeyay mudane Om Puri 7 ilaa 8-filim, wuxuuna ahaa shaqsi aad u wanaagsan dadka oo dhana wada jecel yihiin, is badal ayaan noloshisa ka dareemay markii aan Bajrangi Bhaijaan aan duubeenay waxaana u sheegay in nolosha uu sahashado culees walbana laga gudbi karo”

WARAR DHEERAAD AH:

“Aadban uga naxay geeridiisii markii aan maqlay waayo waxaa naga baxay shaqsi weyn oo fanka Hindiya udub dhexaad u ahaa dadka oo dhana ka wada dhaxeeyay”

“Hadii aan usoo laabto doorkiisa Tubelight waa mid weyn oo aad u qurux badan, sidoo kalena doorkiisa inta uusan geeriyoonin ayuu dhameestiray”

Dhinaca kale Sohail Khan oo walaalkiis Salman Khan garab fadhiyay isagana wuxuu yiri “Tubelight wuxuu ahaa filimka ugu horeeyay ee aan Om Puri la sameeyo, wuxuu ahaa qof aad u wanaagsan wax badana waan ka bartay waxaana dhihi karaa jilaa cajiib badan ayuu ahaa”

“Tubelight siweyn ayaa loogu xasuusan doonaa madaama uu ahaa filimkiisii ugu dambeeyay asigoo door weyn ku leh filimkaan qiirada badan”

Fikradaha Akhristayaasha (2)

  1. suleiman says:

    Sxp zakariye halkuu marayaa arinkii aay dib uga dheceen kooxda tubelight ee faafreebidda

    • Zakarie Abdi says:

      Walaalkeen wax war cusub kama soo bixin laakiin waa la sugaa in lagu dhawaaqo maalinta gudiga la hor geyn doono filimkaan si ay shahaado u siiyaan




Featured Video