Sheekada Filimka Bank Chor: Riteish Deshmukh Iyo Vivek Oberoi Filimkooda Qaybta Dambe Ka Daawo!

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Dhawaanahan Bollywood-ka ma sameynin filim shactiro dhameestiran ah min bilaaw ilaa dhamaad waxaana Jimcadan tiyaatarada la saaray filimka Bank Chor oo ay hogaamiyaal ka yihiin Riteish Deshmukh iyo Vivek Oberoi.

Hadaba aan isla fiirino filimka Bank Chor sheekadiisa, bandhiga jilaayaasha iyo dadka filimada ka faaloodaan waxa ay ka dhaheen qaabka fariintiisa la isugu daba riday.

Jilaayaasha Bank Chor: Riteish Deshmukh, Vivek Anand Oberoi, Rhea Chakraborty, Bhuvan Arora, Sahil Vaid, Vikram Thapa, Baba Sehgal (muuqaal marti ah)

Director: Bumpy

Muxuu Ku Wanaagsan Yahay Filimka Bank Chor: Qaybta dambe filimkaan oo wanaagsan kala bar marka la gaaro oo uu filimka isku badalaayo mid qayaano iyo baaritaan kiisas ah iyo bandhiga wacan oo ay sameeyeen Riteish Deshmukh iyo Vivek Oberoi.

Muxuu Ku Liitaa Filimka Bank Chor: Xaqiiqadii qaybta hore ama halka saac ee hore filimkaan si micno daro ah ayaa loo sameeyay loomana dulqaadan karo in hal saac hore la daawado filimkaan, waxaana wanaagsaneyd in la yareeyo waqti ahaan qaybta hore ee filimkaan si dhaqsi ahna kala barka loo aado!

Daawo Ama Ha Daawanin: Bank Chor waxaad u daawan kartaa bandhiga Riteish Deshmukh iyo Vivek Oberoi iyo qaybta dambe oo wanaagsan laakiin waa hadii aad u dul qaad u leedahay hal saac inaad iska qasaarisid micnaha qaybta hore dul qaad uma yeelan kartid!

Fariinta Filimka Bank Chor Waxa Ay Ku Saabsan Tahay:

Champak (Riteish Deshmukh) iyo labadiisa saaxiib Genda (Vikram Thapa) iyo Gulab (Bhuvan Arora) waxay galayaan bangi si ay u dhacaan.

Laakiin caqabada ugu weyn oo ay la kulmayaan Champak iyo labadiisa saaxiib inay yihiin sedex doqon oo aan waligiid meel dhicin dhexdana ka galayaan jah wareer weyn doqonimada heesato awgeed.

Askariga mayalka adag ee gacanta ka hadlo Amjad Khan (Vivek Oberoi) ayaa loo xil saaraa sedexda doqon ee bangiga dadka ku heestaan sidoo kalena dhaca xooga badan geesan rabaan inuu soo qabto oo ay bangiga ka bixin.

Amjad Khan (Vivek Oberoi) wuxuu u heestaa aragti ahaantiisa sedexdaan burcad inay yihiin kuwo halis ah oo meelo badan soo dhaceen sidaa darteed si uu bangiga jah wareer kaga dhex abuuro wuxuu banaanka ka sheegaa in askari booliska ka tirsan oo dhar cad gudaha bangiga ku jiro tuugadana soo qaban doono!

Sedexda doqon ee bangiga dadka ku jiraan heestan waxay lasoo xariirayaan gabadha wariyaha ah Gayatri Ganguly (Rhea Chakraborty) si ay taliye Amjad Khan (Vivek Oberoi) ugu sheegto in sedexdaan doqon aysan ahayn tuugo dhab ah oo horey dhac usoo geesteen!

WARAR DHEERAAD AH:

Hadaba sheekada waji kale ayay yeelanee madaama tuugo kale oo halis ah goobta ku sugan yihiin sidoo kalena Amjad Khan (Vivek Oberoi) baadi goob ugu jiro.

Hadaba sedexda doqon baxarka ay dhexda ka galeen sidee kaga bad baadi doonaan askari Amjad Khan (Vivek Oberoi) sidoo kale waa kuma tuugada rasmiga ah ee halista weyn laga filan karo?

Maxaa Laga Yiri Sheekada Filimka Bank Chor:

Director Bumpy oo horey u sameeyay filimka LUV KA THE END markaan tijaabo cusub ayuu sameeyay asigoo dooratay mowduuca shactirada ah.

Laakiin filimkiisa Bank Chor dadka wuu qalday madaama loo xayeysiiyay inuu yahay filim 100% shactiro ah hadana shactiradiisa qaybta hore waa mid lagu caajisayo laakiin qayaanada iyo baaritaanka kiisaska dhaca iyo iska daba wareega ayaa aad usoo jiidasho badan sidaa darteed fariinta uu doortay Director Bumpy isaga ayaaba fahmi waayeen halka ay ku saleesan tahay!

Director Bumpy wuxuu ku amaanan yahay qaybta hore sida uu filimkiisa u dayacay inuu dadka kaga raali galiyay qaybta dambe sida wacan ee uu isugu daba riday mada daalo ahaan.

Bandhiga Jilaayaasha Filimka Bank Chor:

Riteish Deshmukh markale wuxuu muujiyay inaan lagu gaarin sameynta shactirada laakiin xidigaan dadaalkiisa wuxuu noqon lahaa mid saameyn lixaad leh hadii qaybta hore sheekada si wacan loo dhigi lahaa waayo muuqaladiisa qaybta hore kuma soo jiidanayaan laakiin qaybta dambe ayuu ka baxsaday.

Vivek Oberio doorkiisa askarinimo mayalka adag waa mid kusoo jiidanayo sidoo kalena dadaal dheeraad ah ayuu muujiya weliba qaybaha dambe ayuu si wacan kaga baxsaday.

Bank Chor waxaa bad badaadiyeen Riteish Deshmukh iyo Vivek Oberoi qaybta dambe bandhiga ay sameeyeen awgeed hadii kale filimkaan qaybtiisa hore ama halka saac ee hore marka la daawado ayaa laga soo kala dareeri lahaa!

Gunaanad:

Hadii aad u dul qaadato halka saac ee hore filimka Bank Chor oo lagu caajisayo waa hubaal in halka saac dambe siweyn kuu soo jiidan doono sidoo kalena Riteish Deshmukh iyo Vivek Oberoi dartooda u daawo filimkan wey ku mada daalin doonaan.

Dadka filimada ka faaloodaan filimka Bank Chor waxay siiyeen sheekadiisa cel celis ahaan 2 dhibcood taasi oo ka dhigan in filimkaan fariintiisa qaybta hore liidato awgeed siweyn loogu dhaliilay wuxuuna helay 2/5.

Fadlan hoos ka daawo goos gooska filimka Bank Chor:

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video