Waa Nagula Dheereeyay Goos Gooska Filimka Mubakaran 20-ka Bishan June Ayaa La Daawan Doonaa

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Arjun Kapoor filimkiisa labada waji uu ku matalaayo Mubakaran waxaa horey loo sheegay in 14-kii bishan June ee aan kasoo gudubnay goos gooskiisa la daawan doono balse midaas ma aysan dhicin.

Hadaba Director Anees Bazmee ayaa barta Twitter-ka shaaca kaga qaaday in goos gooska Mubarakan haatan la daawan doono 20-ka bishan June taasi oo ka dhigan in Talaadada dambe hawada lagu soo deyn doono goos gooska filimkaan.

WARAR DHEERAAD AH:

Sababta Mubakaran dib ugu dhacay goos gooskiisa waxaa lagu sheegay in ruqsadii lagu daawan lahaa goos gooskiisa ka yara daahday oo ay ka daahiyeen gudiga filimada faafreebaan.

Filimka Mubarakan waxaa la daawan doonaa 28-ka July 2017 waxaana Arjun Kapoor ku wehliyaan Anil Kapoor, Ileana D’Cruz iyo Athiya Shetty.

Mubakaran waa filim shactiro ah sidoo kalena siweyn loo hadal haayo madaama Director Anees Bazmee looga haray sameynta filimada shactirada iyo arimaha qoyska ee jah wareerka badan sida No Entry, Welcome iyo Welcome Back asigoo horey u sameeyay.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video