Waa Tuma Xidigta Salman Khan La Hogaamin Doonta Filimka Dance Ga Ah Ee Uu Iska Leeyahay Filimsameye Remo D’souza.

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Super Star Salman Khan waxaa shaaca looga qaaday in uu sameyn doono filimka Dance ga ka hadlaayo ee Remo Director ka yahay.

Waa markii ugu horeysay oo filim uu atoore ka yahay Remo na Director ka noqdo sido kale waa filimkii ugu horeyay ee uu Sallu kusoo bandhigi doono ciyaar cajiib ah sido kalena fariintiisa tahay Dance.

Filimsameye Remo oo hadlayaa wuxuu yiri,” aadbaan ujeclaan lahaa inaa xaqiijiyo waxwalboo ku saabsan filimkaan, horta ugu horeyn filimkaan ma aha ABCD 3 oo ahaa kii taxanaha ahaa balse waa filim Dance ah magac gooni ahna wato.”

WARAR DHEERAAD AH:

Waxaa jireyn atariishoyin dhowr ah kuwaaso la isla dhexmarayey inee Sallu mid kamid ah la hogaamin doonto filimkaan kuwaaso ay kamid ahayen.

Alia Bhatt, Shraddha Kapoor, Jacqueline Fernandez iyo waliba Disha Patani, balse Directorkaan midna wali ma magacaabin inta kor kuxusun asigoo ka hadlaayo arinkaasna wuxuu yiri.

“Magacyo badan aye dadka isla dhexmarayaan, balse xaqiiqda ayaa waxay tahay in aynu wali ku dhawaaqin atariishada filimkaan mudane Salman la hogaamin laheyd kaliya Media yaha magacyada ay sheegan ayaan maqalnaa.”

Sido kale filimsameyahan wuxuu kahadlay in Salman Khan uusan sifiican u aqoonin ciyaarta sido kalena uu waligiis ciyaaraha u gaarka ah uu adeegsan jiray balse filimkaan wuxu kusoo bandhigi doonaa ciyaar cajiib ah asigoo tababar xoog leh u gali doono.

Dhanka akle markaa usoo laabano dhanka atarishada filimka Taasi waxay cadeyn u tahay in filimsameyahan wali kudhawaaqin atariishada Sallu la hogaamineyso filimkaan balse Aqriste adi ahaan maxay kula tahay atariishadee ayaa la hogaamin karto filimkan Sallu.

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. ishwaaq says:

    alia batt baan lajeclahy ama sharada kapoor




Featured Video