8-Jilaa Oo Bollywood-ka Caanka Ah Iyo Filimkooda 1-aad Ee Kusoo Caan Baxi Lahaayeen Dib U Dhac Ku Imaaday Qeybt 2-aad

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Hordhac

Jilaayaasha bollywood-ka ka tirsan badi filimkooda koowaad dib u dhac kuma imaado laakiin waxaa jiro qaara ka mid ah jilaayaasha bollywood-ka ka tirsan in filimkooda koowaad dib u dhac ku imaado.

Jilaayaashaas hada waa kuwa magaca weyn ku leh gudaha hindiya iyo daafaha caalamka laakiin mid walbo filimkooda koowaad sababo la xariiro ayuu u baaqday.

Fadlan hoos kaga bogo maqaalkeen qeybtiisa 2-aad.

Bipasha Basu – atariishadaan bollywood-ka caanka ah sida aan wada ognahay waxay kusoo caan baxday filimka Ajnabe laakiin ka hor filimkeeda koowaad atariishadan waxaa lola rabay inay kusoo caan baxdo filim uu Abhishek hogaamiye ka ahaa halka director uu noqan rabay J.P. Dutta ee Akhari Mughal laakiin filimkaan ayaa dib u dhac ku imaaday wuxuuna noqday mid liska iloobo.

Vidya Balan – Vidya waxay kusoo caan baxday filimka Parineeti laakiin ka hor wuxuu qorshaha ahaa inay kusoo caan baxdo filim Malayalam ah oo lagu magacaabo Chakram waxayna la sameyn laheyd Super Star Mohanlal laakiin mashruucaas dib ayaa ku imaaday sido kale filim kale ee Bengali ah oo kusoo caan baxi laheyd ayaa dib u dhac ku imaaday.

Sunil Shetty

WARAR DHEERAAD AH:

jilaagaan magaciisa daafaha caalamka ku baahay wuxuu kusoo caan baxay filimka guusha weyn gaaray ee Balwaan laakiin Sunil Shetty ka hor ayuu bollywood-ka kusoo biiri lahaa maadaama uu ka baaqday filimkiisa  koowaad ee Director-ka ahaa David Dhawan ee Ek Aur Faulad.

 

Armaan Ralhan

jilaagaan bollywood-ka wuxuu kusoo biiray sanadkii hore asigoo door wacan ku lahaa filimka Aditya Chopra ee Befikre jilaagaan ayaana ka hor qorshaha ahaa in Sanjat Dutt uu la sameeyo filimka Husmukh Phisal Gaya laakiin mashruucaas ayaana marna la amba qaadin.

Dhamaad

Hadaa Aqrisanin Qeybta Koowaad Ee Maqaalkeena Fadlan Riix Halkaan

 

 

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video