Ajay Devgn Iyo Booliska Magaalada Mumbia Oo Is Biirsan Doonaan Iyo Shaqada Dhex Mari Doonto

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Tan iyo markii Super Star Ajay Devgn doorkiisa Singham ee geesinimada iyo qiimaha booliska ku muujiyay xidigaan wuxuu noqday mid aad ugu dhow booliska gobolka Maharashtra asigoo hawlo kala duwan la qabtay.

Haatana waxaa la xaqiijiyay in Ajay Devgn iyo booliska gobolka Maharashtra inay is biirsan doonaan si ay u sameeyaan wacyi galin ku aadan dambiyada dilka ah sida looga hortagi laha.

WARAR DHEERAAD AH:

Ajay Devgn sidoo kale dhawaan wuxuu duubay Video wacyi galin ah oo ku aadan in muwaadiniinta si sax ah canshuuraadka u bixiyaan sidoo kalena lacagahooda ay dhigtaan bangiyo amaan ah halkii tuugo aan la hubin hantidooda ku intifaaci laheyd ama waxyaabo amniga halis ku ah lagu sameeyo.

Ajay Devgn wuxuu yiri “Waxaan joognaa xiligii booliska wacyi galintiisa iyo amniyadiisa lagu gudbin lahaa Internet-ka iyo TV-yada si bulshada oo dhan aan u wada gaarno sidaa darteed waxaan u taaganahay inaan wax walbo oo nabad galyada ku jirto inaan sameyno”

“Aadbaan ugu faraxsanahay uguna nugulahay la shaqeynta booliska si aan wax badan u qaban karno”

Dhinaca shaqada Ajay Devgn waxaa u diyaarsan filimka Baadshaho oo la daawan doono 1 September 2017 sidoo kalena wuxuu ku hawlan yahay dhameestirka filimkiisa Golmaal Again oo la daawan doono Diwali 2017 kuna beegan 19 October.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video