Ma Ogtahay Katrina Kaif Filimkeedii Ugu Horeeyay Inay John Abraham La Sameesay Laakiin Aaway Filimkaas?

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Dhamaanteen waxaan wada ognahay in John Abraham iyo Katrina Kaif ay wada sameeyeen filimkii Hit-ka noqday New York ee sanadii 2009 la daawaday.

Balse waxaa jirto xaqiiqo kale oo ku aadan in Katrina Kaif ay John Abraham la sameesay filimkeedii ugu horeeyay laakiin nasiib xumo doorkeedii gabi ahaanba filimkaan waa laga jaray ama la tir tiray!

John Abraham bilawgiisii waayaha fanka Hindiya wuxuu sameeyay filimkii Saaya sanadii 2003 waxaana la jileen labada atirisho ee kala ah Tara Sharma iyo Mahima Chaudhry.

Wareysi ay dhawaan bixisay Katrina Kaif waxay ku sheegtay in Director Anurag Kashyap oo filimka Saaya iska lahaa la saxiixday si ay filimkaan door ugu yeelato oo ay weliba door reer aaqiraad ugu matasho.

Katrina Kaif waxay tiri “Filimka ugu horeeyay ee aan sameeyay wuxuu ahaa Saaya ee John Abraham hogaamiye ka ahaa waxaana ku matalay door reer aaqiraad, laakiin nasiib xumo doorkeyga markii aan labo maalmood duubay filimka waa la iga saaray waana la tir tiray doorkeyga sabab la’aan!”

“Doorkeyga wuxuu ahaa kaliya qof reer aaqiraad ah oo wadada maraayo balse aan sameyn ku laheyn filimka xitaa muuqaalkaas waa la jaray anigana filimka waa la iga saaray markalena la iima soo wicin in la ii baahan”

WARAR DHEERAAD AH:

Katrina waxay sheegtay ayadoo murugeesan inay Mega Star Salman Khan la kulantay waxayna u sheegtay xiligaas niyad jabkii ay kala kulanta faka Hindiya.

“Markii aan Salman u sheegay dhibkii i qabsaday si kal iyo laab ah ayuu iigu qoslay anigana waan ka carooday waayo halkii uu garab ii siin lahaa jabkeyga ayuu ku qoslay!”

“Laakiin waqti kale asiga ayaa Salman isoo raadiyay wuu ila fariistay wuxuuna ii sheegay inaan noqon doono atirisho awood badan oo caan ah lagana dambeeyo balse waa hadii aan niyad jab kasto iyo xaqiraad kasto u dul qaadan karo”

“Hadalkii uu maalintaas i dhahay ayaan ilaa maanta ku taaganahay waayo marnaba ma niyad jabo xitaa hadii filim walbo ee aan sameeyo Flop noqdo”

Dabcan Katrina Kaif dadaal xoog leh ayay sameesay maantana maqaam sare ayay taagan tahay waxayna ka mid tahay atirishooyinka Bollywood-ka ugu awooda badan.

Katrina Kaif aflaan xiiso badan ayaa u diyaarsan waxaa bisha July 14-keeda usoo bixi doono filimka Jagga Jasoos oo ay Ranbir la jileyso halka 22-ka December usoo bixi doono filimka Tiger Zinda Hai oo ay Salman Khan la wado.

Sidoo kalena sanadka dambe filimka Thugs of Hinduston oo Diwali 2018 la daawanayo waxay lasoo wadaa Aamir Khan halka SRK isagana ay lasoo wado filimka aan magaca loo bixinin ee uu ninka gaaban ku jilaayo lana daawan doono Christmas 2018.

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. TAAGERE DEEPUU says:

    run ahaan katrina awoodeeda weey soo ceshan kartaa hadii ay dabeecad la timaado lkn waligeed deepuu ma gaarayso




Featured Video