Rasmi: Tiger Shroff Iyo Xiliga Uu Duubis Ku Bilaabi Doono Filimka Baaghi 2 Oo Shaaca Laga Qaaday

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Marnaba ma hilmaami doono Action-kii wacnaa ee Tiger Shroff kusoo bandhigay filimkii Baaghi ee sanadii 2016 Hit-ka weyn noqday.

Haatana waxaa shaaca laga qaaday in Tiger Shroff Baaghi 2 duubis ku bilaabi doono bisha August ee sanadkaan weliba mudo 30-maalmood ah wuxuu filimkaan ku duubi doonaa magaalada Delhi.

WARAR DHEERAAD AH:

Mumbai Mirror ayaa heshay xog rasmi ah oo ay kasoo xigatay xafiiska qarash gareeye Sajid Nadiadwala oo lagu sheegay in jadwalka kowaad Baaghi 2 ka bilaaban doono Delhi bisha August sidoo kalena Tiger timo dhaadheer ayuu deestay oo ah muuqaal doorkiisa u baahan.

Tiger Shroff filimka Baaghi 2 waxaa la jileyso gabadha lagu xanto inay saaxiibo yihiin Disha Patani sidoo kalena dhawaan ayaa lagu dhawaaqi doonaa jilaayaasha kale ee mashruucaan Ahmad Khan Director ka yahay lagu soo dari doono.

Tiger Shroff jadwalka Delhi marka uu dhameeyo bisha September ee isla sanadkaan Hong Hong ayuu aadi doonaa si uu koorso ku aadan karaateeda noocyadiisa kala duwan usoo barto madaama ficilo halis ah Baaghi 2 xidigaan kusoo bandhigi doono.

Tiger Shroff filimkiisa Baaghi 2 goobaha kale ee lagu duubi doono waxaa ka mid ah Goa, Ladakh iyo gudaha China qorshana wuxuu yahay in filimkaan la daawado 27 April 2018.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video