Sonakshi Sinha Maxay Ka Tiri Walaalkeed Luv Sinha Inuu Filimka Paltan Wax Ka Jilaayo

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Luv Sinha oo la dhashay Sonakshi Sinha ayaa ka mid noqday atoorayaasha sameyn doonaan filimka Paltan ee uu leeyahay ruug cadaa Director JP Dutta.

WARAR DHEERAAD AH:

Sonakshi Sinha ayaa siweyn ugu faraxday in walaalkeed Luv Sinha filimkaan dagaalka ah wax ka jili doono waxayna tiri “Wooo Hoooooo! Luv Sinha wuxuu qayb ka yahay Paltan, waa filim uu sameenayo halyeega weyn JP Dutta, waxaan ahay walaal faani karto maanta!!”

Filimka Paltan ayaa ah filim ka hadlaayo dagaalkii Hindiya iyo China dhex maray sanadii 1962 sidoo kalena waxaa wax ka jilayaan Suniel Shetty, Jackie Shroff, Arjun Rampal, Abhishek Bachchan, Gurmeet Choudhary, Sonu Sood iyo Siddhant Kapoor.

Filimka Paltan dhamaadka sanadkaan ayaa duubis lagu bilaabi doonaa waxaana la daawan doonaa xagaaga dambe 2018 waana filim weyn oo miisaaniyad xoogan lagu qarash gareyn doono.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video