SRK Oo Ugu Dambeyntii Ranbir Kapoor Siiyay Lacagtii 5000 Rupees Madaama U Magaca Filimka Jab Harry Met Seja Isaga Bixiyay

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Bollywood King Khan ayaa ugu dambeyntii aqbalay inuu Ranbir Kapoor siiyo lacagaha 5000 Rupees madaama RK uu yahay shaqsiga keenay ama bixiyay magaca SRK filimkiisa xiga Jab Harry Met Seja.

Filimka Jab Harry Met Seja waxaa Director ka ah Imtiaz Ali halka SRK iyo Anushka Sharma hogaamiyaal ka yihiin waxaana la daawan doonaa 4 August 2017.

WARAR DHEERAAD AH:

Hadaba Filimkan in magaca Jab Harry Met Seja loo bixiyo Ranbir Kapoor ayaa ka dambeeyay  laakiin SRK ayaa ka biyo diiday markaas inuu RK u qiro in isaga uu magaca filimkana bixiyay.

Laakiin SRK maanta wuxuu barta Twitter-ka soo dhigay asigoo 5000 Rupees sharadka looga helay Ranbir Kapoor siinayo, balse SRK wuxuu Ranbir ku amray inuu lacagta kala bar ka mid ah Director Karan Johar siiyo.

SRK sawirka qoraalkan ayuu soo raacsiiyay “Jagga Jasoos markaan waa naga guuleesatay, laakiin waxaan kaa rabaa lacagta kala bar inaad siisid Karan Johar waayo magaca Jab Harry Met Seja isaga xitaa waxbuu kaala bixiyay”

Ranbir Kapoor isagana waxaa u diyaarsan filimka Jagga Jasoos oo ay Katrina Kaif la jileyso waxaana la daawan doonaa 14-ka July 2017.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video