Sushanta Singh Rajput” SRK Saxiixisa Si Aan Ku helo Ayaan Duubista Filimka Swades Ku Xaadiray Hada Kahor”

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Sushant Singh Rajput wuxuu taagero weyn u yahay King of Bollywood Shah Rukh Khan asigoo ilaa yaraantisa jeclaa xidigaan aflaamtisa.

Mar laga weydiyay Sushant jaceylka iyo taagero nimada xad dhaafka ah ee uu uhaayo SRK wuxuu xidigaan kashekeeyay yaraantisa iyo sidii uu ula kulmay SRK.

“Markaan iskuulka dhigan jiray waxaan booqan jiray goobaha markaas uu SRK aflaamta ku duubayo, maalin ayaan waxaan tagay ayadoo ay socoto duubista filimka Swades kaliyana waxaan u tegey inaan saxiixa kasoo qaato Mudane SRK.

WARAR DHEERAAD AH:

Balse nasiib xumo waan la kulmi waayey SRK waa la iididay nasiib wanaag mudo kadib ayaan shaqo Dance ga ah helay, waxaana goobtas ku kulanay SRK oo Dance halkaas ku baranayey (Qaab Practice ah).

Horteyda ayuu tijaabada ciyaarta kuwada markaas ayuu haljeer gadaal iiso fiiriyay waayo anaa indhaha ka qaadi waayey farxad iga badatay aawged.

Markuu isoo eegay waan is celin waayey anigoo waxaan is arkay Hi dhahay, maarkaas ayuu ii dhoolo cadeyay, farxad iima dhineen SRK oo ii dhoolo cadeyay.

Ugu dambeyn waxaan ku kulanay xaflad kadib marka aan kusoo biiray aflaam jilista, markaas ayuu si qaas ah iigu wacay anagoo meel gaar ah fariisanay waliba cabaar sheekesanay aad iyo aad ayaan ugu farxay shaqsi aan waligey taagero u ahaa oo aan la fadhiyo misane aan isla sheekesaneeno.”

Fikradaha Akhristayaasha (1)




Featured Video