Taapsee Pannu “Dagaalka Bisada Nagama Dhaxeeyo Aniga Iyo Jacqueline Fernandez”

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Labada atirisho ee aan kala dhicin Taapsee Pannu iyo Jacqueline Fernandez waxay haatan duubayaan filimka Judwaa 2 ayagoo jaceyl kula wadaagayaan Varun Dhawan oo filimkaan labo waji ama labo door ku matalaayo.

Hadaba saxaafada Hindiya ayaa hadal heesay in labadaan atirisho dagaalka bisada ka dhaxeeyo ama xoogaa is kuur kuuraan marka ay filimka Judwaa 2 wada sameenayaan madaama kalsooni dhex daro dhex taalo.

WARAR DHEERAAD AH:

Laakiin Taapsee Pannu oo ah atirisho aan hadalka la gambanin ayaa sheekadan wax kama jiraan ku tilmaantay waxayna tiri “Dagaalka bisada nagama dhaxeeyo aniga iyo Jacqueline Fernandez ee waxaa naga dhaxeeyo is caawin iyo is wanaajin”

Taapsee oo hadalkeeda sii wadato waxay tiri “Intii aan London ku duubeenay filimka Judwaa 2 dhamaanteena waqti wacan oo farxad iyo kaftan ku dheehan ayaan wada qaadanay haatana duubista Mumbai waan ku raaxeesaneynaa marka ma aqaan saxaafada halka ay kasoo xigatay dagaalkaan aan raad raaca laheyn”

Filimka Judwaa 2 waxaa Director ka ah David Dhawan halka Sajid Nadiadwala uu soo saare ka yahay waxaana daafaha caalamka laga daawan doonaa 29 September 2017, waana qaybta labaad filimkii Judwaa ee sanadii 1997 Salman Khan, Karishma Kapoor iyo Rambha wada jileen kaasi oo Super Hit weyn noqday.

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. TAAGERE DEEPUU says:

    TAPSEE ATARIISHO QUNYAR SOCOD AH WAAYE HORAY USOCO MSS PINK




Featured Video