Rasm: Filimka Super Singh Iyo Maalintiisa Labaad Ganacsiga Uu Sameeyay

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Super Star Diljit Dosanjh filimkiisa Super Singh ee Punjabi ah sidoo kalena fariinta Super Hero xambaarsan ayaa sare u kac 10% ah sameeyay ganacsiga maalintiisa labaad.

Sida shabakada Boxoffice India xaqiijisay filimka Super Singh wuxuu maalintiisa labaad keenay 2 Crore (Trade Figure) sidoo kalena ganacsiga ugu wacan wuxuu ka sameenayaa Delhi iyo hareeraheeda.

Filimka Super Singh waxaa la filaa in maanta oo Axad ah inuu Waqooyiga Hindiya 25% sare u kac ah ka sameeyo inkastoo ganacsigiisa uu caqabad kala kulmi doono cayaarta Cricket-ka ee Hindiya iyo Pakistan u dhaxeyso oo dadka dhan daawan doonaan.

WARAR DHEERAAD AH:

Fadlan hoos kaga bogo filimka Super Singh lacagaha uu keenay labadiisa maalmood ee ugu horeyso:

Jimco – 1.80 Crore

Sabti – 2 Crore

Wadarta Guud – 3.60 Crore (Trade Figure)

Maalinta Isniinta ganacsiga uu sameeyo ayaa filimka Super Singh lagu ogaan karaa halka uu hiigsanaayo hadii Isniinta oo maalin shaqo ah uusan hoos u dhac weyn sameynin waa hubaal todobaadka dambe inuu gobolada Punjab baaqi kusii ahaan doono filimkaan inkastoo filimka weyn Tubelight jimcadaan tiyaatarada la wareegi doono.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video