Aishwarya Rai Bachchan oo Aqbashay Inay Sanjay Dutt Jaceyl Kula Wadaagto Filimka Malang

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Ugu dambeyntii atirishada Aishwarya Rai Bachchan ayaa aqbashay inay Sanjay Dutt la sameyso filimka Malang sidoo kalena jaceyl ayay kula wadaagi doontaa.

Waxaa la sheegay in Aishwarya Rai filimkaan ku matali doonto sarkaal CBI ka tirsan sidoo kalena Sanjay Dutt jaceyl qiiro badan la wadaagi doonto sida sheekada ku qorana isku soo dhawaansho dareeno ku dheehan ayay Dutt iyo Aish wadaagi doonaan.

WARAR DHEERAAD AH:

Filimka Malang sidoo kale waxaa door muhiim ah ku leh gabadha Tv-yada ama musal salada caan ka ah Ankita Lokhande sidoo kalena filimkaan waxaa Director ka ah Aarambh Singh waana markii ugu horeesay ee uu filim sameeyo.

Filimka Malang bisha December ee dhamaadka sanadkaan ayaa laga hawl gali doonaa waa jaceyl iyo qayaano isku jiro sheeko ahaan.

Sanjay Dutt iyo Aishwarya Rai markii isugu dambeesay waxay shaashada kasoo wada muuqdeen filimkii Shabd ee 12-sano ka hor soo baxay waxayna markaas shaashada ku wadaageen muuqaalo dareen ku dheehan oo muran dhaliyeen.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video