Akshay Kumar Iyo Twinkle Khanna Oo Wiilkooda Aarav Ku Tilmaameen”Wiilka Ugu Wanaagsan Dunida”

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Ayadoo weli loo dabaal dagayo maalinta aabaha aduunka Super Star Akshay Kumar iyo xaaskiisa Twinkle Khanna ayaa amaan lixaad leh kala dul dhaceen wiilkooda curudka ah Aarav Kumar.

Akshay iyo Twinkle ayaa aaminsan inay yihiin waalid duceesan yihiin marba hadii Aarav Kumar ay aabo iyo hooyo u yihiin waxayna ku tilmaameen wiilka dunida ugu wanaagsan ee waalid loo noqdo.

WARAR DHEERAAD AH:

Akshay Kumar barta Instagram-ka wuxuu ku yiri “Maalin walbo waa maalinta aabaha aduunka hadii aad heysatid sida wiil Aarav oo kale ah, waxaana ku tilmaami lahaa wiilka ugu wanaagsan dunida ee aabo loo noqdo!”

Twinkle Khanna iyadana shaki la’aan waxay tiri “Aarav waa wiilka ugu wanaagsan dunida ee hooyo loo noqdo! waxa nahay qoys duceesan marba hadii aan Aarav waalid u nahay”

Dabcan Akshay Kumar iyo Twinkle Khanna waxay dunida u muujiyeen in wiilkooda Aarav Kumar uu yahay qof aad u wanaagsan kaasi oo farxad ku qabaan inuu noloshooda qayb ka yahay.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video