Atariishada Filimka Tubelight Ee Zhu Zhu Ma Imaan Doonto Hindiya Si Ay Xayaysiin Ugu Samayso Filimkeeda Tubelight

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Atariishada filimka Tubelight ee Salman Khan hogaamiyaha ka yahay  Zhu Zhu ayaa hori director Kabir Khan u sheegay in hindiya ay imaan doonto iyadoo xayaysiin u sameyn doonto filimkeeda Tubelight.

Kabir Khan oo hori warbaxintaan u xaqiijiyay ayaana isla maanta sheegay in atariishada reer China ee Zhu Zhu aan imaan doonin gudaha hindiya si ay xayaysiin ugu sameyso filimkeeda Tubelight.

WARAR DHEERAAD AH:

Kooxda filimka Tubelight ayaa dadka baray cunuga yar ee filimka Tubelight doorka muhiimka ah ku leh Matin Rey Tangu, Kabir Khan ayaa sheegay In Zhu Zhu mashquul ku tahay China mana imaan doonto hindiya waana ka xunahay waxaana rabnay in Salman Khan iyo Zhu Zhu hal mar xayaysiin u sameeyaan filimkooda Tubelight.

Sidoo kale Kabir Khan ayaa sheegay in Zhu Zhu filimkiisa door muhiim ah ku leedahay mana jiro filimadeeda atariisho aan door yar ka siiyay.

Filimka Tubelight waxaa Salman Khan iyo Zhu Zhu kula wehliyo Sohail Khan waxaana filimkaan daafaha caalamka laga daawan doona  23 June oo ku beegan jimcadaan.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video